fbpx
Tuesday, April 16, 2024
HomeWararkaAgaasimaha CIA-da Mareykanka oo booqasho naadir ah ku tagay Libya

Agaasimaha CIA-da Mareykanka oo booqasho naadir ah ku tagay Libya

Madaxa Hay’adda Sirdoonka Maraykanka (CIA) William Burns ayaa safar naadir ah ku tagay dalka Libya Khamiistii, isagoo Tripoli kula kulmay Ra’iisul Wasaare Abdulhamid al-Dbeibah, sida ay sheegtay dowladda Libya.

Xukuumadda Midnimada Qaran ee Dbeibah ayaa bogga ay ku leedahay Facebook ku shaacisay booqashadan, iyadoo soo bandhigtay sawirka Burns iyo Dbeibah oo wadajira. Laba ilo oo ku dhow taliyaha bariga Libiya Khalifa Haftar, oo fadhigiisu yahay Benghazi, ayaa sheegay in Burns uu sidoo kale la kulmay.

CIA-da, oo aan si joogto ah u shaacin booqashooyinkan oo kale, ayaa diidday inay ka hadasho booqashadan.

Liibiya waxaa ka jiray nabad yar tan iyo kacdoonkii NATO ee 2011-kii, waxaana waddanku u kala qaybsamay kooxaha bariga iyo galbeedka sanadkii 2014, iyada oo ugu dambeyntii Haftar uu weerar ku qaaday Tripoli sanadkii 2019.

Xukuumadda Dbeibah ayaa lagu soo dhisay hannaan ay Qaramada Midoobay taageertay sannadkii 2021-kii, taasoo qayb ka ahayd qorshe nabadeed, balse maamulkiisa ayaan hadda aysan aqoonsanayn kooxaha siyaasadda ee bariga, iyada oo dad badan oo Liibiyaan ahna ay ka baqayaan dagaal cusub.

Maraykanka ayaa horey u sheegay in uu ka walaacsan yahay doorka uu Ruushku ka ciyaarayo colaadda Liibiya, waxaana laga cabsi qabaa in xasillooni darrida ka jirta waddamada xubinta ka ah OPEC ay saameyn ku yeelato tamarta caalamka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir