Saturday, April 20, 2024
HomeWararkaShan arrimood oo ku gadaaman heshiiska nabadeed ee ay galeen Ethiopia iyo...

Shan arrimood oo ku gadaaman heshiiska nabadeed ee ay galeen Ethiopia iyo TPLF

Bishii November ee sanadkii tagay ee 2022-ka Dowladda Itoobiya iyo Xoogagga dagaalka kula jiray ee TPLF magaalada Pritoria ee dalka Koonfur Afrika waxay ku kala saxeexdeen heshiis nabadeed oo lgu soo afjaray dagaalka labada sano socday.

Heshiiska oo meel markiisa meel fiican uu haatan marayo haddana waxaa jira arrimo haddii aan laga heshiisn ay dhici karto iney caqabad ku noqdaan heshiiskaasi.

Arrimaha ku gadaaman heshiiskaasi inuu si buuxda u dhaqan galo waxaa ka mid ah:

1. Ciidamada Eritrea iney ka baxaan Gobolka Tigray

Tan iyo marki uu billowday dagaalka u dhaxeeya dowladda dhexe ee Itoobiya iyo ciidamada TPLF waxaa dagaalka qayb ka ahaa Ciidamada Eritrea oo la rumeysan yahay dagaalka iney si weyn uga qayb qaateen.

Ciidamada Eritrea oo gudaha u soo galay deegaanka Tigraay hay’adaha xuquuqal insaanka Amnesty waxay marar badan ku eedeysay “iney geysteen gabood fallo ka dhan ah bani aadanimada oo isugu jira dil, boob iyo dhac.”

Dagaalki socday marki heshiis laga gaaray kaddibna TPLF waxay sheegtay qayba ka mid ah gobolka Tigraay iney weli ku sugan yihiin ciidamada Eritrea.

Taliska ciidanka TPLF wuxuu sheegay “ilaa ay ciidamada Eritrea ka baxaan gabi ahaanba gobolka Tigraay iney hubka dhigi doonin maadaamaa ay marweliba khatar uga iman karto dhanka ciidamada Eritrea.”

Wararka ka imanaya gobolka Tigraayna waxay sheegayaan laga billaabo 22-ka Decebmber 2022-ka iney ciidamada Eritrea ee ku sugnaa magaalooyinka Axum iyo Shir-Indesillaase ay billaabeen iney magaalooyinkaasi ka baxaan.

Sawir: Ciidamada Eritrea oo bas saaran
Sawir: Ciidamada Eritrea oo bas saaran

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

2. Liiska argagixisada oo TPLF laga saaro

6-dii bishii May 2021 qaraar ka soo baxay Baarlamaanka dalka Itoobiya liiska argagixisada waxaa lagu daray Fallagada TPLF.

Welina qaraarki baarlamaanka uu horay u soo saaray kama noqon oo toddobaadyada soo socda waxaa la filayaa inuu baarlamaanka uu go’aankiisa hore uu ka noqday liiska argagagixisadana uu ka saaro TPLF maadaamaa dagaalkii heshiis laga gaaray.

3. Saraakiisha TPLF ee dowladda dhexe u xiran oo la sii daayo

Heshiiska nabadeed ee lagu gaaray magaalada Pritoria, ee dalka Koonfur Afrika qodobbada lagu xusay waxaa ka mid aha in la sii daayo macabiista siyaasadeed oo weli gacanta dowladda dhexe ku jira oo ay ugu horreeyaan saraakiisha ciidamada iyo dagaallamayaasha TPLF.

Dowladda dhexe ee Itoobiyana waxay horay xabsiyada uga sii deysay xubno sarsare oo ka mid ah hoggaanka TPLF oo ay ka mid yihiin Sibhaat Neggaa oo ka mid ah raggi aasaasay TPLF iyo madaxweynihi hore ee gobolka Tigreega Abay Waldu.

Weli waxaa xabsiyada dowladda dhexe ku jira macabiis adan oo laga qabtay TPLF oo isugu jiro saraakiil ciidan, wasiirro hore iyo shaqsiyaad qowmiyaddaas ka soo jeeda oo xilal kala duwan dalka Itoobiya ka soo qabtay.

4. Awood qaybsiga dowladda Federaalka

Dhinacyadi muddo laba sana ah ku dagaallamayey Waqooyiga Itoobiya haddii ay dagaalki heshiis nabadeed ka gaareen waxyaabaha heshiiska lagu xusay waxaa ka mid ah in TPLF laga qayb gelinayo awood qaybsiga dowladda dhexe.

Inkasta oo awood qaybsiga uu ka horreeyo wajiyada heshiiska oo meel mara iyo TPLF oo nbaarlamaanka uu ka saaro liiska aragagixisada.

TPLF dowladda dhexe inta ay dagaalka la gelin ka hor waxay dowladda dhexe ka hayeen xilall ay ka mid yihiin Raysal wasaara ku xigeen, Arrimaha dibadda iyo wasaarado kale oo muhiim ah iyaga oo waaxyaha wasaaradda Gaashaandhigga ay ku leedahayna si weyn uga dhex muuqday.

Sawir: Sibhat Negga xilliga la qabaneyey

XIGASHADA SAWIRKA,ETHIOPA NEWS AGENCY

5. Hantida ay dowladda la wareegtay oo la celiyo

Dagaalka Gobolka Tigreey marki uu qarxay 3-dii November 2020 wixii ka dambeeyey dowladda dhexe ee Itoobiya waxay qaadday tallaabba kasta oo ay ku curyaamineyso xubnaha iyo taageerayaasha TPLF.

Tallaabbooyinkaasina waxaa ka mid ahaa hantida madaxda iyo saraakiisha TPLF ay ku leeyihiin caasimadda Addis Ababa iyo Gobollada kale ee dalka ay ku lahaayeen iney dowladda la wareegtay.

Dadka hantida lagala wareegay waxaa lagu eedeeyey iney musuqmaasuq hantida ka sameeyeen halka qaarna lagu eedeeyey iney TPLF ay taageerayaan amaba ay ka tirsan yihiin.

XIGASHADA SAWIRKA,AFP Sawir: Heshiiska nabadeed ee Pritoria lagu gaaray

Qodobbada Shanta ah ee aan kor ku soo sheegnay waxay ka mid yihiin arrimaha ku gadaaman meel marka heshiiska nabadeed ee ay labada dhinac ku gaareen dalka Koonfur Afrika.

Haddii ay arrimahan wax ka soo noqdaan waxay noqonayaan caqabad ku timid heshiiska nabadeed, balse haddii ay meel maraan waxay dardargelinayaan heshiiska nabadeed ee laga gaaray dagaalka waqooyiga Itoobiya ka socday muddo laba sana ah oo ay kumannaan ku dhinteen malaayiinna ku barakaceen.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir
Exit mobile version