24.3 C
Hargeisa
Friday, January 27, 2023

Deg Deg: Madaxweynaha Somaliland ayaa xilka ka qaaday Wasiir Cabdilaahi Abakor iyo Cali Xoor xoor oo la magacaabay.

Hargeisa (Haldoor News):- Madaxweynaha Somaliland ayaa xilka ka qaaday Wasiir Cabdilaahi Abakor.

Geesta kalena waxa deegan ahaan lagu badalay Cali Xoorxoor oo loo magacabay Wasiirka Shaqo gelinta iyo Arrimaha bulshada.

Wasiirkii shaqo gelinta Mustafe Godane ayaa loo badaley Wasiirka Hawlaha guud.

HOOS KA AKHRI FAAHFAAHINTA 

WAREEGTO MADAXWEYNE: 04 /01/2023.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu kala tahay JSL/XM/XKQ/222/1-973/042023, JSL/XM/WM/222-975/042023 iyo JSL/XM/WM/222-976/042023 uu xilka qaadis, magacaabid iyo Bedel ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

Ku: Cabdillaahi Abokor Cismaan
Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Sunnaha Dawladnimo ayaa ah in uu xilku meerto yahay. Sidaa darteed laga bilaabo taariikhda maanta waxaan go’aamiyay in aan kaa qaado xilkii Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Sidaa darteed, waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad Qaranka u soo shaqaysay.

Ujeeddo: Beddel

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In aan Mustafe Maxamuud Cali Bile (Godane) ka soo beddelo Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska, una beddelo laga bilaabo taariikhda maanta in uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Ujeeddo: Magacaabid.

Wareegto Madaxweyne
Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor) laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska ee Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

la Xidhiidha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisement -

Arimaha Diinta