Mekelle(Haldoor News):-Bangiyada Gobolka Tigray gaar ahaan Magaalada Caasimadda ah ee Mekelle, ayaa dib u shaqo bilaabay kadib markii ay ku xidhmeen Dagaalka dhiiga badan ku daatay ee Ciidanka Qaranka Itoobiya iyo Kooxda TPLF ka dhex qarxay.
Sidoo kale Bangiga Ganacsiga Itoobiya ee ay Dowladdu maamusho ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay galinkii dambe ee Isniintii inay dib u fureen laamo uu ku lahaa Magaalada Shire iyo Magaalooyinka Alamata iyo Korome.
Tallaabadan ayaa timid kadib Heshiiskii Xabbad-joojinta ee dhexmaray Dowladda iyo TPLF bishii November ee Sanadkan dhamaadka ah.
Heshiiska xabbad-jooginta ayaa dhigaya in si buuxda dib loogu soo celiyo adeegyadii aasaasiga ahaa ee Tigray, waxaana adeegyadii korontada dib loogu soo celiyay Caasimadda Gobolka ee Mekelle horraantii bishan markii ugu horeysay muddo sanad ah.