fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararkaSaddex arrin oo u horseeday Argentina inay ku guuleysato Koobka Adduunka

Saddex arrin oo u horseeday Argentina inay ku guuleysato Koobka Adduunka

Xulka Argentina ayaa xaley ku guuleystay Koobka Adduunka ka dib markii uu gool-ku-laad uga badiyay Faransiiska, ciyaar taarikhi aheyd oo ka dhacday garoonka Lusail ee dalka Qatar.

Waxaa sidaas ku romowday riyadii Messi ee aheyd in mar uun uu ku guuleysto Koobka Adduunka maadaama horey uu ugu guuleystay dhammaan abaal-marrinadii ugu sarreysay ciyaaraha Kubbadda Cagta.

Xiddigga Faransiiska ee lagu magacaabo Kylian Mbappe ayaa ku guuleystay kabaha dahabka xilli uu noqday ciyaaryahankii goolasha ugu badan ka dhaliyay Koobka Adduunka ee sanadkan lagu qabtay Qatar. Mbappe waxa uu dhaliyay 8 gool, halka Messi oo ku xigay uu dhaliyay 7 gool.

Messi wuxuu sidoo kale ku guuleystay ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa tartankan, wuxuu Argentina u horseeday inay Koobka qaadaan isagoo xaley dhaliyay laba gool.

Dadweynaha dalka Argentina ayaa u dabaaldegaya guusha xulkooda uu xaley ka gaaray ciyaaraha kubbadda cagta ee Koobka Adduunka iyagoo dhigaya isu soo baxyo lagu muujinayo qarannimada.

Tobannaan kun oo qof ayaa isugu soo baxay mid ka mid ah fagaarayaasha waaweyn ee ku yaalla caasimadda Buenos Aires si ay u maamuusaan xulka iyo kabtankooda Lionel Messi.

Haddaba maxay yihiin tallaabooyinka u horseeday Argentina inay Koobka Adduunka qaadaan.

Messi- ninka ugu laacibsan jiilka hadda joogo

Messi
XIGASHADA SAWIRKA,MOLLY DARLINGTON/REUTERS

Wuxuu noqday halyeeygii habeenka taariikhiga ah ee ku guuleystay Koobka Adduunka. Waa nin ay xusuusan doonaan jiilasha soo socda ee reer Argentine.

Messi waa ciyaartoy isku darsaday maareyn caqli ku dhisan iyo xirfad heer sare ah marka loo barbardhigo ciyaartoy kasta oo haatan dunida ka ciyaara.

Waa 35 jir karti badan oo deggan isla markaana aan cadaadis dareemin, wuxuuna Argentina ku hoggaamiyay inay qaadaan Koobkan ay muddada dheer sugayeen.

Wuxuu dhaliyay 7 gool Koobkan, laba gool ayuu xaley dhaliyay halka saddex gool uu ka caawiyay xulkiisa inay dhaliyaan-waana rikoorkiisii ugu fiicnaa ee Koobka Adduunka.

Wuxuu noqday ciyaartyga ugu safashada badan Koobka Adduunka, isagoo kasoo muuqday 26 kulan.

Wuxuu haatan jebiyay rikoorkii Diego Maradona maadama sanado la lahaa Messi ma wuxuu awoodi waayay in uu dalkiisa u qaado Koobka Adduunka?

Awoodda tababare Lionel Scaloni

Scaloni iyo Messi
Scaloni iyo Messi

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Lionel Scaloni oo aan wax khibrad ah laheyn ayaa sanadkii 2018 loo magacaabay tababaraha xulka qaranka ee Argentina toddobaadyo uun kadib markii Faransiiska uu Argentina ka saaray Koobkii Adduunka ee lagu qabtay Ruushka.

Afar sano gudahood ayey ugu suurtogashay in uu guul noocan gaarsiiyo xulka.

Xaley wuxuu kusoo bilaabay ciyaartoy uu ka mid yahay Angel Di Maria oo dhibaato ku hayay Faransiiska, garabkii uu ka dheelayay ayay labada gool ka yimaadeen. Gool koowaad Messi ayaa gool-ku-laad ku dhaliyay halka uu labeeyay Di Maria.

Tababare Scaloni wuxuu dhisay koox isku duuban oo uu Messi horkacayo, wuxuuna xulka kusoo daray ciyaartoy da’ yar ah oo ay ka muuqato dhiirannaan iyo tamar badan, kuwaas oo aan wax khibrad ah laheyn.

Sanadkii 2021 Argentina waxay ku guuleystay Copa America ka dib markii ay ka badiyeen Brazil 28 sano ka dib oo aysan Argentina ku guuleysan koob caalami ah.

Scaloni wuxuu xulkiisa u horseeday in aanan laga badin 36 ciyaarood marka laga reebo ciyaartii furitaanka Koobka Adduunka ee uu Sucuudiga ka badiyay.

Dhiirannaanta taageerayaasha

Taageerayaasha Argentina
XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Waxaa la arkayay tageerayaasha Argentina oo qaadayay hal ku dhigyo ay ku taageerayeen xulkooda. Dalka Qatar waxay ka dhigeen wacdaro ay dad badan ku xusuusan doonaan.

Garoonkii ay ka dhacday ciyaarta kama dambeysta ahayd waxaa intiisa badan fadhiyay taageerayaasha Argentina oo baddalay midabka garoonka.

Waxaa jirtay hees caan aheyd oo xulka lagu taageerayay, waxaana ka mid ahaa ereyadeeda, “Waxaan doonayaa in markii saddexaad aan ku guuleysto, waxaan doonayaa in aan ku guuleysto Koobka Adduunka”.

Xitaa qaar ka mid ah taageerayaasha reer Argentina waxay kasoo tageen shaqooyinkooda, qaarkoodna waxay Qadar ku tageen lacagihii ay in muddo ah meel dhiganayeen. Sidoo kale qaarkood waxaa la sheegay inay iska iibiyeen bajaaj ay ku shaqeysan jireen si ay usoo raacaan xulkooda.

Xigasho BBC SOMALI

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)