Sannadkan soo socda ee 2023-ku Insha Allah wuxu noqon doonaan sannad doorasho, laba doorasho iyo diiwaangelin baa isu-keen daba yaalla. Diiwaangelintu waxay bilaabmaysaa 28-ka Bishan, Qarankana guud ahaan waxan ugu baaqayaa ciddii kaadh ka lumay, ama meel u beddelanaysa ama immika soo gaadhay da’dii la diiwaangelinayey in la siiyey fursad qaali ah oo qaranka qiimo weyn ku joogta, si gaar ahna gobollada aan hore isu diiwaangelin waxan ugu baaqayaa inay isdiiwaangeliyaan oo ay maanta codkooda kaga qaybgalaan dalka hoggaamintiisa.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi.