fbpx
Wednesday, April 17, 2024
HomeWararkaGolaha shacabka oo been-abuur ku sheegay go’aan ku saabsan Fahad Yaasiin

Golaha shacabka oo been-abuur ku sheegay go’aan ku saabsan Fahad Yaasiin

Muqdisho(Haldoor News):-Habeenimadii xalay waxaa baraha bulshada lagu faafiyey qoraal dheer oo la sheegay in uu ka soo baxay guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaaliga ah Sheekh Adam Maxamed Nuur (Madoobe).

Qoraalkan oo ku taariikheysnaa maanta 16 Diseember ayaa lagu sheegay in kursiga HOP#086 ee uu horey ugu guuleystey Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, agaasimihii hore ee hay’adda sirdoonka, kadibna guddigii doorashada iyo raysalwasaarihii hore ay waxba kama jiraan ka soo qaadeen, hadda loo fasaxay, lagana codsadey hay’adaha ay khuseyso in loo dedejiyo xildhibaanka hawlihiisa ay ugu horeyso dhaarintu.

Qoraal la soo dhigey barta Facebook ay ku leedahay Golaha Shacabka ayaa lagu sheegay in uu been-abuur yahay waxbana aysan ka jirin. Waxaa jir warar sheegaya in qoraalku dhab ahaa laakiin wakhtigiisi ka soo hormarey.

Fahad Yaasiin ayaa u dhexeeya dalalka Turkiga iyo Qatar halkas oo ku haysto deganaansho iyo ilaalo heerkeedu sareeyo.

Kursiga HOP#086 ayaa weli banaan, mana jirto cid beesha iska lahayd ku metesha.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir