fbpx
Saturday, April 20, 2024
HomeWararkaAskarigii loo heystay dilka Juweyriya Subcis oo dil toogasho ah lagu xukumay

Askarigii loo heystay dilka Juweyriya Subcis oo dil toogasho ah lagu xukumay

Jigjiga(Haldoor news):-Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in maxkamadda gobolka Faafan ee Jigjiga ay dil toogasho ah ku xukuntay askarigii loo heystay inuu dilay Allaha u naxariistee xildhibaanad Juweyriya Subcis.

Garsooraha maxkamadda ayaa la sheegay inuu xukunkan u cuskaday xeerka ciqaabta itoobiya.

Askarigan oo ka tirsanaa ciidamada federaalka ee gacanta ku hayay ammaanka garoonka magaalada Jigjiga ayaa 25-kii Oktoobar rasaas ku furay xildhibaanad Juweeriya.

Juweeriya Maxamed Ibraahim Subcis, ayaa ahayd xildhibaan heer deegaan ah oo laga soo doorto degmada Daratoole ee gobolka Doolo.

Rasaasta ay ku geeriyootay Juweeriya dadka ku dhawaacmay waxaa ka mid ah walaasheed Ayaan oo ay Juweyriya ka doontay garoonka.

Bbcsomali

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir