Sunday, March 26, 2023
HomeWararkaMadaxweynaha Somaliland Iyo Wefti Uu Hoggaaminayey Oo gaadhay Dalka Jabuuti.

Madaxweynaha Somaliland Iyo Wefti Uu Hoggaaminayey Oo gaadhay Dalka Jabuuti.

Jabuuti-07-12-2022-(Haldoor news)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey oo saaka safar shaqo kaga ambo baxay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa gaadhay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, waxana madaarka magaalada Jabuuti si diirran ugu soo dhaweeyey Ra’isal wasaaraha dalka Jabuuti, Mudane Cabdiqaadir Kaamil Maxamed.
Madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo, ayaa ugu horrayn soo dhaweyn maamuuskeedu sarreeyo kala kulmay Ra’isal wasaaraha, kaas oo ku qaabilay Madaarka Diyaaradaha, waxaana loo gelbiyey qolka madaxda ee (VIP)da oo ay qaddar nasasho ah ku qaateen.

 

Madaxweynaha waxa safarka ku wehelinaya xubno kamid ah golaha wasiirrada oo ay kamid yihiin wasiirrada wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Dr. Ciise Keyd Maxamuud, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Cabdirashiid Ducaale Qambi, gaashaandhigga, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid oo isagu ku sii sugnaa dalkaasi, iyo Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti, Amb Cabdifataax Siciid Axmed.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)