fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararkaTurkiga iyo Norway oo Xasan Sheekh kala hadley dib u bilaabidda wadahadlkii...

Turkiga iyo Norway oo Xasan Sheekh kala hadley dib u bilaabidda wadahadlkii Somaliland

Muqdisho 6-12-2022 (Haldoor News):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa habeenkii xalay kulan la qaatey danjiraha ee Turkiga Mehmet Yılmaz, iyo siihayaha xilka safiirka Dowladda Norway ee Soomaaliya Haakon Svane, kulanka ayaa looga hadley sidii mar kale dib loogu bilaabi lahaa wada hadalkii Dowlada federaalka iyo Somaliland ee istaagey muddo hore.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa amaaney doorka fududeynta iyo isu soo dhaweynta ah ee dowladda Turkigu ay ka soo qaataday wadahadalladii Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland, kuwaas oo bilow fiican u ahaa xal u helidda tabashooyinka jira iyo xaqiijinta xasilloonida iyo horumarka dadka Soomaaliyeed, sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay qorshihiisa qaran ee Soomaali Heshiis ah in ay ugu weyn tahay wada hadalka Somaliland oo dib u bilowda.

Somaliland waxay hadda lugaha kula jirta qalalaase siyaasadeed, kadib markii la dhaafey muddo xileedkii madaxweyne Biixi, iyada oo golaha guurtda Somaliland u samaysey muddo kordhin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)