fbpx
Thursday, March 28, 2024
HomeWararkaMadaxweynaha Somaliland Oo Qaabiley Ergo ka Socotay Dalalka Norway iyo Turkiga. 

Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabiley Ergo ka Socotay Dalalka Norway iyo Turkiga. 

Hargeysa-06-12-2022-(Haldoor News):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu caawa Qasriga Madaxtooyada ku qaabiley ergo ka kala socday dalalka Norway iyo Turkiga oo kala ah Heidi Johansen iyo Aykut Kumbaroğlu.

Hargeysa:-Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ayaa waftiga uga xogwaramay hanaanka geeddi socodka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland halkan ku soo gaadhay, taasoo uu sheegay inay ku timid isku-duubnida shacabka Somaliland iyo dawladooda, sababna u noqotay in indhaha beesha caalamku ku soo jeestaan horumarka la taabankaro iyo dimu-qraadiyada ka jirta Jamhuuriyadda Somaliland. Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu si cad u dul-istaagay kuna dheeraaday go’aanka Jamhuuriyadda Somaliland uga meel-yaala wadahadaladda waxaanu yidhi madaxweynuhu Somaliland diyaar bay u tahay wada-hadalka laakiin wada-hadalku waa inuu noqdaa mid macno leh.

 Mawqifka Somalilandna waa sidan:-

  1. Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ku adkaysanaysaa in la helo hanaan laba dawladood iyo xal ku dhamaada laba dawladood kala madax-bannaan, sababtoo ah waxaanu ahayn laba dawladood oo xor ah oo iskood u midoobay 1dii july, 1960. Balse kala noqday 1991-kii, waxaana intaa dheer, Somaliland waxay 31-kii sannadood ee la soo dhaafay ahayd dawlad madax-bannaan oo ku nool nabad iyo xasillooni. Muddadaas, Somaliland waxay hir-gelisay wareegyo badan oo doorashooyin xor iyo xalaal ah. Somaliland waxa ka dhacay shan (5) xilwareejin madaxweyne oo nabad ah. Saddex ka mid ah iyaga oo loo marayo doorashooyin toos ah ayey qabsoomeen.
  2. Dhammaan heshiisyadii hore waa in la ixtiraamaa oo la hir-geliyaa si degdeg ah, tani waa habka kaliya ee lagu dhisi karo kalsoonida.
  3. Waa in uu jiraa hannaan dhexdhexaadin ah oo caalamiya (International mediation mechanism) oo dammaanad qaadaya fulinta natiijada ka soo baxda wada hadalka.
  4. Waa inay jirtaa xoghayn maamusha kaydinta xogta, isla markaana Xoghayntu waa inay ku si fawdo dhex-dhexaadnimo, isla markaana ay u leedahay karti iyo xirfad hawshan.
  5. Waa inuu jiraa mabaadi’dii (principles) muhiim ah iyo xeer-dhaqan (code of conduct) oo hanaanka wada-hadalku saldhig u noqon doono.
  6. Waa in uu jiraa Ajende cad oo qeexaya khilaafka u dhexeeya labada dhinac, si looga wada wada-hadlo arrimaha udub-dhexaadka u ah khilaafka.
  7. Wadahadalku waa inuu ku soo gebegaboobo waqti xaddidan.

Waxaana madaxweynaha ku wehelinaayey kulanka Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo iskaashiga Caalamiga ah Dr Ciise Maxamuud Keyd.

Dhinaca weftiguna waxay kala ahaayeen Heidi Johansen, haakon Svane, Ole Andreas Lindeman, Harun Arslan iyo Maxamed Cabdilaahi Cumar.

ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir

Agaasimaha Saxaafadda iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)