fbpx
Friday, April 19, 2024
HomeWararkaWilliam Ruto oo shaqo-joojin ku sameeyay afar ka mid ah guddiga doorashada...

William Ruto oo shaqo-joojin ku sameeyay afar ka mid ah guddiga doorashada Kenya iyo Raila Odinga oo ka horyimid

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa shaqada ka joojiyay afar ka mid ah guddiga doorashada oo diiday in ay taageeraan guushii uu ka gaaray doorashadii bishii August ka dhacday dalkaasi, sida ay madaxtooyadu sheegtay Jimcihii, wuxuuna sameeyay guddi baaritaan ku sameeya haddii ay habboon tahay in xilalka laga qaado.

Tallaabadan ayaa dagaal cusub u furtay dowladda iyo mucaaradka, waxaana ay timid kadib markii baarlamaanka Kenya uu Ruto ka codsaday inuu sameeyo dacwad ka dhan ah xubnaha guddiga doorashada ee kala ah Juliana Cherera, Justus Nyang’aya, Irene Masit iyo Francis Wanderi.

Raila Odinga, hoggaamiyaha mucaaradka ee ruug cadaaga ah ee sida dirqi ah loogaga guuleystey doorashadii Agoosto, ayaa ku gacan-seyray tallaabadii uu Ruto ka qaaday xubnihii diidanaa natiijada doorashadiisa.

“Iyagu (xukuumadda Ruto) waxay bilaabeen qorshe ay xilka kaga qaadayaan afarta qof ee cadaaladda u taagan,” ayuu yiri Odinga Jimcihii, wuxuuna ku eedeeyay Ruto inuu isku dayay inuu la wareego maamulka doorashada soo socota.

“Waxay doonayaan inay soo magacaabaan xubnaha guddiga si ay u fuliyaan khiyaanadooda 2027,” ayuu yiri Odinga oo wacad ku maray in ay qabanayaan isu soo baxyo dadweyne, si ay wadatashi ula sameeyaa Kenyanka tallaabooyinka xiga.

Dibadbaxa ugu horeeya ayaa ka dhici doona Nairobi December. 7, halka kan labaadna ay qaban doonaan December. 12-keedaa.

Xafiiska Ruto si degdeg ah ugama jawaabin markii wakaaladda wararka ee Reuters ay wax ka weydiisay eedeyntan.

Mid ka mid ah guddigan, Justus Nyang’aya, ayaa sheegay inuu is-casilay, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

Afarta xubnood ayaa qabtay shir jaraa’id oo barbar socday kan guddoomiyaha guddiga doorashada bishii Agoosto. 15-keedii, waxayana sheegeen in aaneyn qayb ka noqon karin natiijadii sida toos ah telefiishanka ay kaga dhawaaqeen guddoomiyaha iyo laba xubnood oo kale.

Muranka ayaa u gudbay maxkamadda sare, taasoo taageertay doorashadii Ruto, waxayna diiday doodda ay afartan xubnood soo bandhigeen ee ku saabsan habka tirinta codadka.

 

Reuters.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir