Friday, March 29, 2024
HomeWararkaUkraine oo shaacisay tirada askarta kaga dhimatay dagaalka Ruushka

Ukraine oo shaacisay tirada askarta kaga dhimatay dagaalka Ruushka

Ilaa 13,000 oo askari oo Ukraine u dhashay ayaa la dilay tan iyo markii uu bilowday duulaanka Ruushka, sida uu sheegay sarkaal sare.

Kyive Mykhailo Podolyak, oo ah la taliyaha madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in inta u dhaxaysa 10,000 ilaa 13,000 oo askari ay dhinteen.

Waa arrin dhif ah in Ukraine ay bixiso tirada dadka ku dhintay weerarka, hadalka Mr Podolyak ma aysan milatariga Ukraine.

 Bishii Juun wuxuu sheegay in inta u dhaxaysa 100 ilaa 200 oo ka mid ah askarta Ukraine ay dhintaan maalin kasta.

Bishii hore, Jeneraalka ugu sarreeya Mareykanka, Mark Milley, ayaa sheegay in ilaa 100,000 oo Ruush ah iyo 100,000 oo askarta Ukraine ah la dilay ama la dhaawacay tan iyo bilowgii dagaalka.

 Khudbad muuqaal ah oo ay Arbacadii jeedisay, madaxa guddiga Midowga Yurub  Ursula Von der Leyen waxay ku sheegtay in 100,000 oo ciidamada Ukraine ah la dilay.

Si kastaba ha ahaatee afhayeen u hadlay guddiga Midowga Yurub ayaa markii dambe caddeeyay in tani ay ahayd qalad, waxaana tiradan lagu tilmaamay kuwa la dilay iyo kuwa dhaawacmay.

Isagoo la hadlayay TV-ga Ukraine laga leeyahay ee Channel 24, Mr Podolyak wuxuu sheegay in Kyiv ” ay si furan uga hadashay tirada dadka la dilay”.

 “Waxaan haynaa qiimayn rasmi ah oo ay sameeyeen Shaqaalaha Guud, qiimaynta rasmiga ah ee taliyaha guud [Mr Zelensky], waxayna u dhexeeyaan 10,000 ilaa 12,500-13,000 oo la dilay,” ayuu yiri.

 Waxa uu intaa ku daray in tirada dadka rayidka ah ee la dilay ay noqon karto mid aad u badan. BBC News ayaa ogaatay ilaa 3,600 oo dhimasho rayid ah bartamihii bishii Juun. Tirada hadda waxay u badan tahay in ay  aad intaa uga sarreeyo.

 Ms von der Leyen ayaa sheegtay in 20,000 oo shacab reer Ukraine ah la dilay. Inkastoo tiradaas aysan ka laaban guddiga Midowga Yurub, haddana waxaa laga saaray muuqaalladii dambe iyadoo la sheegayo in 100,000 oo askari la dilay.

 BBC-da laanteeda Ruushka ee BBC-da ayaa xaqiijisay in ugu yaraan 9,311 askari oo Ruush ah oo darajooyin kala duwan leh la dilay tan iyo duulaankii 24-kii Febraayo halka tirada dhabta ah ee dhimashadu ay noqon karto in ka badan 18,600.A

 Milateriga Ukraine ayaa sheegay in Ruushka uu isticmaalayey gantaalada xambaara nukliyeerka si uu u daaliyo difaaca hawada ee Ukraine.

Khubarada millatariga Ukraine ayaa sheegay in Ruushku uu u adeegsanayey gantaallo loogu talagalay in loo isticmaalo nukliyeerka iyada oo aan lahayn madaxyo qarxa, khubarada milatariga ee Ukraine ayaa sheegay in tani ay noqon karto in waddanku uu adeegsaday qaar badan oo ka mid ah gantaaladiisa kale ee weerarrada waaweyn.

Madaxweynayaasha Maraykanka iyo Faransiiska ayaa sheegay inay sii wadi doonaan inay ka wada shaqeeyaan sidii ay u taageeri lahaayeen Ukraine, isla markaana ay Ruushka kula xisaabtami lahaayeen falalka ay ku kacayaan.

Madaxweyne Emmanuel Macron iyo madaxweyne Biden oo shir jaraa’id si wada jir ah ugu qabtay Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa Biden waxaa uu ku sheegay inuu “diyaar u yahay in uu la hadlo Mr Putin” si loo soo afjaro dagaalka.

BBCSOMALI

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)
Exit mobile version