Düsseldorf (Haldoornews)- Taageerayaasha Urur Siyaasadeedka Hilaac ee Wadanka Germany ayaa caawa Magaalada Düsseldorf kusoo Bandhigi doono Cududooda Taageero ee ay la garab taaganyihiin Hogaanka Ururkaasi oo ah Dad Aqoonyahano ah oo aan Siyaasada Wadanka ku dhex milmin isla markaana Rajo wayn laga qabo in ay Isbadal muuqda ka Samayn doonaan Somaliland haddii ay ka mid Noqday Seddexda Xisbi ee la filayo inay kasoo dhex baxaan 12- ka urur Siyaasadeed.
Munaasabadan ayaa waxa Qayb ka ah Fanaaniinta Idil Barkhad Cumar, Samatar Hassan sam j, iyo Dhamaan Fanaaniinta Germany oo Caawa la Cawayn doona Taageerayaasha ururka Hilaac.
Pro.Axmed ismaaciil Samatar oo Hogaaminayo Urur Siyaasadeedkan Rajada Galiyey Dhalinyaradii Somaliland ayaa Filayaa in Munaasabada Soo Dhawaynta Ururkiisu kulmiso Jaalliyadaha Somaliland ee Germany, Belgium iyo Netherland Kuwaasi oo Xafladii ugu horeysay ee Europe loogu Qabto ururka lagu Daahfuri doono magaalada Düsseldorf ee Caasimada u ah Gobolka Nordrhein westfalen.
Muuqaalada iyo Sawirrada Xaflada ayaanu halkan idiinku Soo Gudbin doonaa haddii Alle idmo.