fbpx
Friday, April 19, 2024
HomeWararkaBaarlamaanka Jamalka oo Waxkabadal ku Sameeyey Sharciyada Qoxootiga Dalka iyo Dadka Xaqa...

Baarlamaanka Jamalka oo Waxkabadal ku Sameeyey Sharciyada Qoxootiga Dalka iyo Dadka Xaqa u leh in Sharciyo la siiyo.

 

Berlin (Haldoornews)- Sida ay la socdeen Dadka ku dhaqan wadanka jarmalka waxaa Xisbiyada isbahaysiga ku ah Dawlada jarmalka ay Soo jeediyay in la siiyo Fursado Dadka Muddada dheer wadanka joogay ee aan Sharicyada Haysan

Fadhigii Shalay ee Baarlamaanka jarmalka ayaa lagu meel mariyey Sharci Cusub oo Fududaynaya Qaabka loo qaadanayo Shaciyada Qoxootiga, Waxyaabaha ugu waawayn ee lagu heshiiyay waxaa ka mid ah

In la Dedejiyo Wakhtiga Dadku Jawaabaha Sugayaan maadaama oo Qofka isdhiiba muddo dheer laga aamusnaan jiray.

Dadka Mudada Dheer wadanka joogay ee isdhexgalka Sameeyay in Sharciyo la siiyo.

Sharcigan oo ay u cod uqaadeen 654 Mudane ayaa waxaa Ogolaaday 371 mudane halka ay ka soo hojeesteen 226 mudane sidoo kale 57 mudane ayaa ka aamusay sidaana waxaa ku Ansaxay Sharcigaasi oo Hindisihiisa ay lahaayeen seddexda Xisbi ee Isbahaysiga ku ah Dhismaha Dawlada jarmalka.

31-10-2022  shan Sanno ka hor Qofkii joogay Dalkan amaba ka hor ee aan Sharci haysan ama Duldun haysta ee aan Wax danbi ah galin ayaa Xaq u yeelanaya in la siiyo Sharcigan Cusub, sidoo kale haddii uu Xaas ama Caruur leeyahay iyana waa in la siiyo Sharciyadooda.

Sharcigan 18- bilood ah ayaa la siinayaa Dadkaasi aan kor kusoo xusay, haddii uu kaa dhaco laguuma Cusboonaysiin doono ilaa iyo qof Shuruudahan buuxiyay mooyaane,

Waxaa laga Rabaa inta lagu gudo jiro muddadaa Sharciga lugu siiyay in Qofku Luqada barto, Noloshiisa ku filnaado oo uu Shaqeeyo sidoo kale in uu Jinsadiisa Soo Cadeeyo haddii uu intaasi sameeyo waxaa la siinayaa sharci ka muddo dheer kii hore amaba haddii uu shuruudaha buuxiyo wuxuu qaadan dalban karaa Dhalashada jarmalka.

Qofka lasiiyo sharcigaasi 18-ka bilood ah ee aan buuxin Waxyaabahaasi laga rabay waxaa lagu celinayaa Duldung-kii amaba Ausweiskii hore ee uu haysan jiray intaan shariciga la siinin.

Waxaan iyana meesha ka maqnayn in Dadka Dalka Danbiyada ka galay ee aan sharciyada haysan lagusii adkeeyo amba aan Wax sharci ah la siinin.

Xukuumada Jarmalka ayaa Codaynta ka dib si wayn usoo dhawaysay Sharcigan  waxaanay sheegeen in ay jaanisyo Fiican ka heli doonaan Dadka isdhexgalka Fiican sameeyey ee dalka muddo joogay.

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir