22.1 C
Hargeisa
Thursday, February 9, 2023

Jabhada TPLF oo hubkeeda ku wareejinaysa ciidanka dowladda Itoobiya

Nairobi 01-12-2022 Khamiis (Haldoor News):-Safiirka Itoobiya u fadhiya dalka Kenya, ayaa shaaca ka qaaday in jabhadda (TPLF) ay maalinta sabtida ah ay soo dhiibi doonto hubkeeda culculus, kadib wada hadalo dhex maray madaxda sare ee ciidamada Itoobiya iyo taliska TPLF.
Ambassador Bacha Debele, ayaa hadalkan ku sheegay muuqaal lasoo dhigay barta Youtube-ka.
“Marka laga hadlayo dhiibista hubka culus, waxay ahayd inay [TPLF] soo dhiibaan 17-kii Nofembar, laakiin taasi ma aysan dhaqan gelin, laakiin hadda waxaa la go’aamiyay inay soo dhiibaan 3-da December,” ayuu yiri.
Bacha ayaa sheegay in taliyeyaasha goobuhu ay “kulmaan maalin walba” si ay uga wada hadlaan habka hub ka dhigista, iyo dagaal yahanada kooxda TPLF la isugu keeno goobo cayiman.
“Macluumaad aan maanta helay, ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqyo ay bilaabeen inay [dagaalyahannada TPLF] ku ururaan goobo cayiman. Waxay fulinayaan [hannaanka hub ka dhigista],” ayuu raaciyay.
Safiirka ayaa sidoo kale sheegay inay tahay wax xun oo waji gabax ah in si fagaaro ah loogga hadlo khasaaraha ka dhashay dagaalka.
Xukuumada Itoobiya iyo kooxda TPLF, ayaa horaantii bishii hore heshiis nabadeed ku kala saxeexday dalka Koonfur Afrika, si ay si nabad ah ugu soo afjaraan dagaalkii khasaaraha badan dhaliyay, ee mudada labada sano ah socday.

la Xidhiidha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisement -

Arimaha Diinta