Thursday, April 18, 2024
HomeWararkaNin Oromo ah oo Hargeysa ka gaystay dil iyo Ciidamada Booliska...

Nin Oromo ah oo Hargeysa ka gaystay dil iyo Ciidamada Booliska oo soo qabtay.

Hargeysa (Haldoor News):- Ciidanka ammaanka Booliska Somaliland ayaa habeenimadii xalay gacanta ku soo dhigay Eedaysane lagu magacaabo Ifsa Axmed Shariif oo ku Eedaysan in uu dilay Marxuum Aamiin Siciid Sidiiq, kaasi oo da’diidu aheyd 22 –sanno jir.

Eedaysanahan oo ka soo jeeda qoomiyada Oromada ayaa ku eedaysan inuu Marxuumka dilkiisa u adeegsaday Feer oo uu jilib ugu dhuftay, waxaana falkaas uu ka dhacay gudaha hotelka guuleed oo ku yaalla magaalada Hargeysa.

Ciidanka Booliska ayaa markii lagu soo war galiyey Dhacdada dilkaasi bilaabay howlgalo lagu raadinayay qofkii ka dambeeyay falka, iyagoona saacado Gudahood ku soo qabteen Eedaysanaha oo goobtii uu dilka ka gaystay ka baxsaday.

“Ciidanku waxa uu ugu baaqaayaa cid kasta oo isku day amni darro in ay gacan bira ku soo qaban donaan iyagoo ILAAHAY talo saaranaaya” ayaa lagu yidhi Qoraal kasoo baxay Taliska ciidmada Booliska Somaliland.

Taliska Booliska Somaliland ayaa shacabka ku boggaadiyay wadashaqeynta kala shaqaynta amniga iyo xogaha ay mar waliba la soo wadaagaan, habeeno kahor ayey aheyd markii Booliska Somaliland gacanta kusoo dhigeen Nin dil ka geystay magaalada Hargeysa.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir
Exit mobile version