fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararkaMessi oo soo nooleeyay rajada Argentina, laakiin ma qaadi karaa Koobka Adduunka...

Messi oo soo nooleeyay rajada Argentina, laakiin ma qaadi karaa Koobka Adduunka sidii Maradona?

Laacibka xulka Argentina Lionel Messi ayaa bareejeeyay goolashii uu Diego Maradona u dhaliyay xulka Argentina Koobka Adduunka sabtidii iyo sidoo kale kulamadii uu ka saftay koobkaas, laakiin xiddiga number-ka 10-aad ee Messi waxa uu ogyahay in kaliya ku guulaysiga koobkan uu ku kasban karo jacayl la mid ah kan Maradona ay u hayaan taageereyaasha Argentina.

Maradona ayaa koobka Adduunka ku guuleystay sanadkii 1986, isaga oo muujiyay dadaal kaligiis – Messi ayaa si aad ad u doonayaa in uu sidoo kale koobkan qaado isku daygiisii shanaad, ahna kii ugu dambeeyay.

Kabtankan, 35-jirka ah, ayaa hubaal ah inuu qeybtiisa ka soo qaatay ciyaaraha ka socda Qatar, isagoo dhaliyay labo ka mid ah seddexda gool ee Argentina dhalisay ilaa hadda.

Mid ka mid ah waxa uu ahaa rigoore ceebtii ay 2-1 kala kulmeen Saudi Arabia, midda kale waxa uu ka dhaliyay ciyaartii ay 2-0 kaga badiyeen Mexico, kaas oo bareejeeyay Maradona 21-kii kulan ee Koobka Adduunka iyo siddeedii gool ee uu dhaliyay.

“Maanta, ayuu Koobka Adduunku u biloowday Argentina,” Ayuu yiri Messi oo niyad jab uu ka muuqday.

Dadka reer Argentine ayay inta badan ku adkey in ay Messi ka jeclaadaan Maradona, waxaana la dhihi karaa, Messi, waxa uu soo maray xirfad ka waxtar badan Maradona, kaas oo tayadiisa ay aakhirkii hareeyeen dhibaatooyin uu ka mid ahaa maandooriyaha.

Messi waa ciyaaryahanka ugu goolasha badan taariikhda xulka Argentina, isagoo ku hogaamiyay inay ku guuleystaan Copa America sanadkii hore, islamarkaana ku guuleystay abaal marinta Ballon d’Or toddoba jeer.

Naadigiisii ​hore ee Barcelona, wuxuu u dhaliyay 672 gool, isaga oo la qaaday 35 koob, oo ay ku jiraan 10 horyaalka Spain ee La Liga iyo afar Champions League, kahor inta aanu sanadkii hore u wareegin kooxda Paris Saint-Germain.

 

Reuters.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)