Friday, March 24, 2023
HomeWararkaWacaal Cusub: Madaxweynaha Somaliland oo Caydhiyey Laba Masuul+ Akhriso Faahfaahinta.

Wacaal Cusub: Madaxweynaha Somaliland oo Caydhiyey Laba Masuul+ Akhriso Faahfaahinta.

Hargeysa 23-11-2022- Arbaca (Haldoor News):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Warsaxaafadeed uu soo saaray Shaqadii ka caydhiyey Laba Masuul oo kala ahaa Xeer Ilaaliyihii Guud ee Qaranka iyo Wasiirkii Warshadaha iyo Maalgashiga.
WAREEGTOOYIN MADAXWEYNE: 23 /11/2022.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu kala tahay JSL/XM/XKQ/222/1-959/112022 iyo JSL/XM/WM/222-960/112022 uu xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey masuuliyiinka mida Xukuumadda.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.
1. Ku: Xasan Axmed Aadan
Xeer-ilaaliyihii Guud ee Qaranka
Mudane,
Laga bilaabo taariikhda maanta waxaan go’aansaday in aan kaa-nasiyo xilkii Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka. Sidaa darteed, waxaan kaaga mahad-celinayaa dedaalkii iyo hawlkarnimadii aad muujisay muddadii aad haysay xilka Qaranka. Waxa aan kuu rajaynayaa caafimaad taam ah iyo mustaqbal wacan.
2. Ku: Cabdillaahi Cabdiraxmaan Aare
Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha JSL.
Mudane
Laga bilaabo taariikhda maanta waxaan go’aansaday in aan kaa-nasiyo xilkii Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Somaliland. Sidaa darteed, waxaan kaaga mahad-celinayaa dedaalkii iyo hawlkarnimadii aad muujisay muddadii aad haysay xilka Qaranka
Ujeeddo: Magacaabid
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Arkay: Aqoontiisa/Aqoonteeda/Kartidiisa/Kartideeda iyo Waayo Aragnimadiisa/Waaya-aragnimadeeda;
Markaan ku Qancay: Inuu Hannan karo/In ay Hannan Karto Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi;
Waxaan Go’aamiyey;
1. In Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan Hoorri laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
2. In Aamina Cilmi Fariid Badeed laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)