Hargeysa – (Haldoor News):-Wasiirka wasaaradda shaqo’gelinta iyo arrimaha bulshada Somaliland Mustafe Cali Godane, ayaa sheegay in ay sameynayaan xeer la rabo in lagu xidh xidho aabayaasha qayila ee ubadkooda dayaca.
Wasiirku waxa uu sheegay in xeerkani dabar u noqonayo ragga inta ay qayilaan ubadkoodii aan ka warhayn ee kaliya masuuliyadii fuushay hooyada.
Mustafe Cali Godane wasiirka shaqadu waxa uu wacad ku maray in marka xeerkani la dhaqangeliyo ay jeelasha ku guri doonaan ragga caruurtoodii dayacan yihiin ee habeen iyo maalinba qayliya.
Geesta kale waxa uu xusay in hooyadu kaliya ay la daala dhacayso nolol maalmeedka ubadka, balse aabuhu aanu warkaasi haynin.
Waxa uu sidan ka sheegay xuska maalinta caruurta, isaga oo intaas raaciyay in xafladaha qalinjabinta iskuulada, madaarista, iyo jaamacadaha ay farxada ubadkooda kala qaybgalaan kaliya hooyooyinku oo aanay aabayaashu war u hayn.
Waxaanu yidhi.“Ninkasta oo carruur dhala oo dayaca oo inta uu toban ubad ah dhallo halkaasi ku qaliya xeerkaasi waxa uu noo jidayn doona in aanu la soo boodno oo Xabsiga ku hubsano.
Waxa aanu imika bilaabaynaa xeerka qoyska, kaas oo jidayna qoyska iyo xuquuqaadkiisa, xeerkaasi waxa uu xooga saarayaa in aanu jirin aabo dayaci kara carruurtiisa.
Meel walba waxa taagan hooyo la daala dhacaysa oo la dhibaataysan, lix caruura, ama shan carruur ah, ama toban caruur ah, oo kii dhalay halkaas ku qayilayo oo aan hal maalin masruuf keenin, iskuul u raacin, meel kale u raacin, meela u raacin,