fbpx
Saturday, April 20, 2024
HomeWararkaMadaxweyne Xasan oo magacaabay guddoomiye ku-xigeenada gobolka Banaadir

Madaxweyne Xasan oo magacaabay guddoomiye ku-xigeenada gobolka Banaadir

Muqdisho (Haldoor News) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa magacaabay guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir, in ka badan lix bil kadib markii dib loo doortay 15-kii May 2022. 
Qoraal kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo tixraacaya soo-Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u Heshiisiinta XFS ayaa magacaabay Guddoomiye ku-xigeenada iyo Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir.”
Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah:
1- Ciise Maxamuud Guure – Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha maamulka iyo maaliyadda.
2- Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) – Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha siyaasadda iyo amniga.
3- Cabdicasiis Cismaan Maxamed – Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada.
4- Xasan Maxamed Jimcaale – Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud.
5- Faysal Carraale Afrax – Xog-hayaha guud.
Bayaanka kasoo baxay Villa Somalia ayaa intaas ku daray “Xeerkan Madaxweyne ayaa waafaqsan qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xeer Lr. 6 ee soo baxay 12/02/1980 kuna saabsan in G/Banadir iyo Dowladda Hoose ay hoos yimadaan Madaxtooyada J.F.S. 
Xeerkan madaxweyne ee lagu magacaabay guddoomiye ku-xigeennada iyo xoghayaha guud ee gobolka Banaadir, ayaa dhaqan galay maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay Axad, 20-ka November, 2022.
Madaxweynaha ayey lix bil ku qaadatay inuu beddelo ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir, waxaana ugu wacneyd in siyaasiyiin badan oo ku dhow ay loolan iyo olole u galeen sidii loo magacaabi lahaa dad ku dhow
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir