Wasiirka Beeraha, Xildhibaano Iyo Odayal Garoonka Diyaaradaha Jabuuti kusoo Dhaweyay Prof. Samatar.
Gudoomiyaha urur siyaasadeedka Hilaac prof Ahmed Ismaaciil Smatar ayaa galab-dhicii maanta lagu soo dhaweeyay garoonka diyaarahada magaalada Jabuuti, Xili uu safar shaqo ku tagay Prof Samtar dalkaasi Jabuuti.
Kulanka soo dhawaynta oo ka dhacay qolka VIP-da ee goroonka diyaaradaha Jabuuti, ayaa waxa halkaasi ku qaabilay Wasiirka Biya, Beeraha iyo kalluumaysiga Jabuuti Agasimaha guud ee sadaasha hawada Mohamed Ismaaciil Nuur Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dalkaasi Jabuuti, siyaasiyiin iyo madaxdhaqmeed.
Prof Ahmed Ismaaciil Samatar oo ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa madaxda uga mahad-celiyay soo dhawaynta balaaran ee uu la kulamay, isagoo sidoo kale uga war-bixiyay in ujeeda safarkiisa ay la xiriirto dar-der-galinta hawlaha shaqo ee horyaala urur siyaasadeedka Hilaac oo kasoo gudbay wareegii koowaad ee tartarkii uturada Somaliland, waxuuna xusay inuu dhawr maalmood la joogi doono madaxda jabuuti, islamarkaana uu la qaadan doono kulamo intan ka balaaran.
Ugu denbaytii Wasiirka Biyaha, Beeraha Maxamed Axmed Cawaale, Xildhibaan Saleebaan Dahir Bileh, Xildhibaan Shurki Cali Caynaan iyo Xil.Maxamed Ismaaciil Yuusuf oo ka Tirsan Baarlamaanka Jabuuti ayaa iyaguna balan-qaaday inay gacmo furan kusoo dhawaynayaan, islamarkaana ay garab kusiin doonaan hawlaha Ururka Hilaac ee uu u yimid Prof. Samatar dalkaasi Jabuuti.