Friday, April 19, 2024
HomeWararkaGolaha Wasiirada Somaliya oo Ansixisayey Miisaaniyadda 2023 iyo Heshiisyo difaac oo u...

Golaha Wasiirada Somaliya oo Ansixisayey Miisaaniyadda 2023 iyo Heshiisyo difaac oo u dhexeya Somaliya,Uganda & Sudan

Muqdisho, Nofeembar 16, 2022 (Haldoor News):- Golaha Wasiirada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa kulan ay ku yeesheen Muqdisho oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre waxa ay ku meel mariyeen ku-talagalka Miisaaniyadda Dowladda ee 2023 oo ka kooban Dakhli gudaha ah iyo Deeq taas oo gaareysa $967.7 Milyan oo Dollar.
Miisaaniyadda 2023 ayaa xoogga lagu saarayaa sare u qaadidda dakhliga gudaha oo hadda la rajeynayo inuu ka sare maro sanadihii la soo dhaafay, iyadoo la rajeynayo inuu gaaro $283.3 Milyan oo Dollar halka sanadka dhamaadka ah uu ahaa $247 milyan oo Doolar.
Wasiirka Maaliyadda XFS, Mudane Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa golaha uga mahad celiyay meel marinta ku-talagalka miisaaniyadda.
Dhanka kale, golaha ayaa ansixiyay heshiisyada difaaca ee u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Uganda iyo Soomaaliya iyo Suudaan ee ku saabsan is-kaashiga gaashaan-dhigga oo ay golaha hor-keentay wasaaradda gaashaan-dhigga, si waafaqsan dastuurka iyo sharuucda dalka.
Xukuumadda oo Ansixisay Miisaaniyadda 2023 iyo Heshiisyo difaac oo u dhexeya Somaliya,Uganda & Sudan

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir
Exit mobile version