15.2 C
Hargeisa
Tuesday, February 7, 2023

Labadda Hoggaamiye ee Dalalka Mareykanka iyo Shiinaha ayaa isniintii (Shalay) ku kulmay Dalka Indonesia.

Indonesia (Haldoor News):-Labada madaxweyne ayaa kulmay Isniinta maanta ahayd markii ugu horeysay si shaqsi ah tan iyo markii Biden uu Xafiiska la wareegay Sanadkii hore, Qoraalo kala duwan oo ka soo baxay xafiisyadooda ayaa lagu sheegay inay ku baaqeen in la iska kaashado sidii looga hortagi lahaa caqabadaha caalamiga ah.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa carabka ku adkeeyay in Washington ay raadineyso inay ka fogaato isku dhac ama dagaal qabow oo ay la gasho Beijing.

Kulanka dhexmaray labadda Hoggaamiye ee Dalalka loogu yeedho Quwadaha adduunka ayaa imaanaya xili wali aan xal laga gaadhin xiisada culus ee Dalalka u dhaxaysa taas oo ka dhalatay booqashadii ay ku tagtay Jasiirada Taiwan Haweenayda Afhayeenka u ah Aqalka Wakiilada ee Mareykanka Nancy Pelosi, taas oo si weyn uga cadhaysiisay Shiinaha kadibna abuurtay xiisad isku Diyaarin Dagaal ah taas oo Shiinihu uu wacad ku maray inuu gacantiisa kusoo celin doono Jasiirada Taiwan oo uu aaminsan yahay inay tahay qayb kamid ah dhulweynaha Shiinaha.

Mareykanka iyo Shiinuhu kaliya iskuma hayaan Taiwan ee waa labada dal oo loollan adag oo dhanka Dhaqallaha adduunka, Xiisado dhanka Badda ah iyo awooddaha oo dhan ku tartam, waxaana marar hore ay labada dal isku qabteen arrimo la xidhiidha Ganacsiga.

la Xidhiidha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisement -

Arimaha Diinta