fbpx
Friday, April 19, 2024
HomeWararkaTaliyayaasha Sirdoonada Soomaaliya Iyo Itoobiya Oo Heshiis Kala Saxiixday.

Taliyayaasha Sirdoonada Soomaaliya Iyo Itoobiya Oo Heshiis Kala Saxiixday.

Jimce Nov-11-2022 (Haldoor News) – Nov. 11 (Jowhar.com) -Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) Mudane Mahad Maxamed Salaad iyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Ethiopia (NISS) Mudane Temesgen Tiruneh Dinku ayaa maanta heshiis ku kala saxiixday magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay, in labada sirdoon ee NISA iyo NISS, ay yeeshaan wada shaqeyn ku qotonta is dhaafsiga xogaha muhiimka ah iyo xoojinta dagaalka wada jirka ah ee lagu hayo kooxaha Argagixisada.

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa tilmaamay in heshiiskan uu yahay mid macno u leh labada dal ee dariska ah iyo sidoo kale ammaanka bariga Afrika.

Labada sirdoon ee Soomaaliya iyo Ethiopia oo dareensan muhiimadda ay labada wadan u leedahay ciribtirka kooxaha Argagixisada ayaa muujiyay sida ay uga go’antahay in ay horseed u noqdaan in Argagixisada laga sifeeyo Geeska Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Mudane Abiy Ahmed ayaa horay kulan ay ugu yeesheen magaalada Addis Ababa isku raacay xoojinta iskaashiga dhinacyada ammaanka iyo la dagaalanka Aragagixisada

Xigasho Jowhar

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir