fbpx
Saturday, April 20, 2024
HomeWararkaMadaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi Oo Cafis u Fidiyay 594 Maxbuus Oo...

Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi Oo Cafis u Fidiyay 594 Maxbuus Oo Ku Jira Xabsiyadda Dalka.

Hargeysa(Haldoor News):- madaxweynaha Somaliland oo Maanta Cafis u Fidiyey in ka badan 500 Maxbuus.

CAFIS MADAXWEYNE: 10/11/2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summaddeedu tahay JSL/XM/WM/222-953/112022, uu Cafis Guud u fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, Iyadoo laga duulayo faya dhawrka caafimaad ee Maxaabiista, si aanay u saamayn xumaddu.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Cafis Madaxweyne

Markaan Arkay: Qodobka 90aad, Faqraddiisa 5aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Qoraalka Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/347/2022, kuna taariikhaysan 07/11/2022, ujeeddadiisuna tahay Soo- gudbin Maxaabiista Cafiska galaya Sannadkan 2022- ka;

Markaan Tix-geliyay: Qoraalka Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka taariikhaysan 08/11/2022 u jeeddadiisuna tahay soo- jeedin cafis guud;

Markaan La-tashaday: Hay’adaha ay Khusayso;

Waxaan Go’aamiyay;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada Dalka ku xidhan oo tiradoodu dhan tahay 594 (Shan Boqol iyo Afar iyo Sagaashan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raad ciqaabeed ee ka dhalanaya dembiyada ay ku xukunnaayeen. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista ee halkan ku lifaaqan.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir