Adis-abab(Haldoor News):-Khubaro caafimaad oo ka tirsan haayadda WHO iyo wasaaradda caafimaadka ee dalka Ethiopia oo kaashanaya xafiiska caafimaadka dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa xaqiijiyay in baadhitaano horleh oo ay sameeyeen ay usoo baxday in xumadda lagu arkay Somaliland iyo deegaanada Somali State of Ethiopia aanay ahayn ama ka waayeen xanuunka Dengue fever loo yaqaano.
War ka soo baxay wasaaradda caafimaadka Ethiopia ayaa la sheegay in shaybaadho laga qaaday dadka xumadani ku dhacday magaalada Jigjiga oo loo diray Lab ku yaalla magaalada Addis Ababa laga waayay dadkaasi xanuunka Dengue fever “Shaybaadhadii aanu samaynay, way caddayn waayeen xanuunadanu ka filaynay” ayuu yidhi madaxa caafimaadka ee dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia oo la hadlaayay idaacadda VOA du.
Madaxa xafiska caafimaadka dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia oo la hadlaayay idaacadda VOA da laanteeda afka Soomaaliga ayaa u sheegay in tijaabooyin ay ka qaadeen dadka xanuunku ku dhacay ay noqon waayeen xanuunadii ay ka filayeen, haddana ay sugayaan in tijaabooyin shaybaadh oo kale loo diro xarunta WHO ku leedahay dalka Uganda.
Hore ayaa masuuliyiin ka tirsan wasaaradda caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland ugu sheegeen xanuunkan Dengue fever, balse hadda waxaa meesha ka saaray sheegashadaasi khubarada caafimaad ee baadhay.
Xanuunkan oo dhawrkii bilood ee ugu danbeeyay aad u saameeyay Jamhuuriyadda Somaliland iyo deegaanada Soomaalida Ethiopia ayaa callaamadahiisa waxaa ka mid ah xumad, lafa-xanuun saa’id ah iyo dhiig sanka iyo dhegaha qofka ka imanaya.