fbpx
Tuesday, March 19, 2024
HomeArticlesMaxay ku heshiiyeen TPLF iyo xukuumadda Dr. Abiyi Axmed?

Maxay ku heshiiyeen TPLF iyo xukuumadda Dr. Abiyi Axmed?

Dagaalka labba sanno jirsaday ee u dhaxeeyay Jabhadda TPLF iyo xukuumadda Dr. Abiyi Axmed, ayaa u dhaw innuu soo gabagaboobo kaddib markii heshiish ay wada galeen labbada dhinac. Haddaba; maxaa lagu heshiiyay, siddoo kale, heshiiskaasi ma fuli karaa?

1. Labbada dhinac ayaa ku heshiiyay in la sameeyo xabbad-joojin – si gargaarka bini’aadamnimadu u gaadho Gobalka Tigreega. Xabbad joojiynta waxa ku lammaan in Jabhadda TPLF si nabbad ah ugu noolaan karaan Magaaladda Maqalle iyo guud ahaan ba deegaanadda Tigreega.

2. Heshiishka labbaad ayaa ah; in Dawladda Dhaxe ee uu gadh-wadeenka ka yahay Dr. Abiyi Axmed ay addeegyadii Dawladda Dhaxe ka fuliso Deegaanka Tigreega, loona sii daayo Miisanayadii ka xayirnayd muddada labbada sanno ah.

3. Wejiga labbaad ee heshiishka ayaa lagu ballansan yahay in lagaga wada hadlo in bog cusub la furo oo dagaal-yahanadii TPLF la cafiyo si hore looga sii socdo. Haddii siddan la yeelo faa”iido iyo khasaaraba way yeelan kartaa, oo Qoomiyadaha kale ayaa iyaguna ku dhiiran doona qalalaase, maadaama isla-xisaabtan aanu jirin.

4. Su’aasha iswayiinta muddan ayaa ah; yaa lagu Aaminayaa kharashaatka ay soo daynayso Dawladda Dhaxe, maadaama Jabhadda TPLF ay gacanta ku hayso Deegaanka Tigreega?. Hore dagaalka TPLF iyo Dawadda Dhaxe ee Ethiopia waxa uu ka bilaabmay nidaamka Dakhliga iyo in Xisaab xidh lagu sameeyo Miisaaniyadda Deegaanka Tigreega loo sii daayo.

Ugu dambayn; dalalka Geeska Afrika waxa ay dani ugu jirtaa Ethiopia xasiloon, maadaama Ethiopia xidhiidh Ganacsi iyo mid Amniba uu ka dhaxeeyo waddamada ay jaarka jihiin.

 

Qalinkii Zakariye Ahmed

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)