fbpx
Friday, April 19, 2024
HomeWararkaGoob ay isku uruursanayeen Al-Shabaab oo weerar ay ku qaadeen Ciidanka Dawlada...

Goob ay isku uruursanayeen Al-Shabaab oo weerar ay ku qaadeen Ciidanka Dawlada Somaliya.

Beledweyne (Haldoor News) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta dagaal culus oo u dhexeeyey maleeshiyaadka la magac baxay ciidamada dib u xoreynta deegaanka iyo Kooxda Al-Shabaab uu ka dhacay gobolkaasi.

Dagaalka ayaa ka qarxay deegaanka Ceelhareeri, kadib weerar ay ku qaadeen ciidamada huwanta ee howlgallada ka wada halkaasi.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa shaaca ka qaaday inay heleen xog ku aadan in Al-Shabaab ay isku uruursanayaan deegaankaasi, si ay weerar usoo qaadaan balse ay ka hortageen, islamarkaana ay khasaare ku gaarsiiyeen dagaal culus oo ka dhaca deegaanka.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka uu sii xoogeystay markii ciidamada dib u xoreynta deegaanka ay heleen ciidamo gurmad ah ay oo ka yimid deegaanka Tardo.

Intaas kadib ayaa waxaa ciidamada u suuragashay inay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Ceelhareeri oo u dhow magaalada Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa qaybo ka mid ah gobolkaasi oo dhaca bartamaha Soomaaliya.

Hiiran ayaa ka mid ah gobollada uu ka socdo kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo ay guullo waa weyn ka gaareen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo iskaashanaya.

 

Haldoor News Desk

Muqdisho Office

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir