fbpx
Friday, April 19, 2024
HomeWararkaAl-Shabaab Oo Shaqaale Caafimaad Ka Soo Afduubatay Gudaha Dalka Kenya.

Al-Shabaab Oo Shaqaale Caafimaad Ka Soo Afduubatay Gudaha Dalka Kenya.

Muqdisho (Haldoor News):- Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in maleeshiyo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Al-shabaab ay laba ka mid ah shaqaalaha caafimaadka, darawalkii waday gaari nooca ambalaas ah iyo bukaankii ay wadeen ay ka afduubteen meel ku dhow xadka Kenya ay la wadaagto Soomaaliya

Kooxda weerarka soo qaadday ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday gaari ambalaas ah oo ay leedahay dowlad goboleedka Mandera ee waqooyi bari dalkaasi, xilli ay bukaanka u qaadaysay isbitaal ku yaala deegaanka.

Booliska saldhiga Lafey ee Mandhera ayaa sheegay in Ambalaasta iyo shaqaalaha caafimaadka ay kusii jeedeen isbitaalka Ceelwaaq si loogu gudbiyo bukaan, iyada maleeshiyada looga shakisanyahay Al-shabaab ee qafaashay baaburka iyo shaqaala ay ula baxsadeen dhinaca Soomaaliya.

Iyadoo sanadihii ugu dambeeyay ay yaraadeen weerarada Al Shabaab ay ka geysanayaan gudaha dalka Kenya, ayaa hadana waxaa xusid mudan in kooxdu ay horey u beegsatay ciidamada ammaanka, iskuullada, gaadiidka, magaalooyinka iyo isgaarsiinta waqooyi bari iyo bariga Kenya, taasi oo qeyb ka ah ololaha ay Kenya ku cadaadineyso, si ay ciidamadeeda ugala baxdo Soomaaliya.

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir