Sunday, March 26, 2023
HomeWararkaMadaxweynaha  Somaliland Oo Kulan Habka Fogaan Araga kula Qaatay  Safiirka Ingiriiska Iyo Ku...

Madaxweynaha  Somaliland Oo Kulan Habka Fogaan Araga kula Qaatay  Safiirka Ingiriiska Iyo Ku Simaha Safiirka Maraykanka.

Hargeysa-01-11-2022-(HaldoorNews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinayo wasiirka Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa maanta oo Salaasa ah, taariikhduna tahay 01/11/2022 waxa uu habka maqalka iyo muqaalka ah (Video Conference) kulan ku-layeeshay Safiirka Ingiriiska iyo ku simaha Safiirka Maraykanka.

Ugu horayn, Madaxweynuhu waxa uu uga waramay safiiradda xaaladda guud ee abaaraha ka jira Somaliland, taas oo lagu qiyaasay in dad gaadhaya hal milyan iyo badh (1.5 M) qof ay u baahan yihiin gargaar binu-aadanimo, waxaanu madaxweynuhu si qoto dheer uga hadlay in taakulada caalamiga ah ee loogu talo-galay Somaliland aanay noqon mid loo soo mariyo cid kale ee lagu saleeyo qorshaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu sharaxaad ka bixiyey hawlaha doorashooyinka ee dalka ka socda; sida tartanka ururada siyaasada iyo qabsoomida doorashooyinka inagu soo foolka leh. Sidaa darteedna ay xukuumaddu diyaarisay kharashka ku bixi-doona diiwaangelinta iyo doorashooyinka.

Ugu danbayntii safiiradu waxay madaxweynaha uga mahadnaqeen kulanka ay la qaateen, waxaanay balan qaadeen inay Somaliland si dhaw ula shaqayn doonaan.

 

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Naasir Yuusuf Daahir

 

Agaasimaha Waaxda Saxaafadda iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)