24.8 C
Hargeisa
Saturday, February 4, 2023

Ruushka ayaa sare u qaaday Wax soo saarka Hubka kadib Khasaaraha ka soo gaadhay dagaalka Ukraine

Moscow-27-10-2022 Khamiis (Haldoor News):-Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa wajahaya dib u dhac ku yimaada wax soo saarka militariga iyo khasaaraha ka soo gaadhay dagaalka, waxa uu ku booriyay dowladiisa in ay hoos u dhigto kharashaadka nidaamyada kale si ay u soo saarto hub iyo sahay ku filan, oo uu ku qalabeeyo ciidamadiisa ku sugan Ukraine, halkaas oo weerar rogaal celis ah oo kaga yimid Ukraine uu culays saaray ciidamada Ruushka.
Qalab la’aanta ciidamada Ruushka ee dagaalka siddeedda bilood socday ayaa si aad ah looga hadlay in Putin uu sameeyay qaab-dhismeed uu isku dayo inuu wax kaga qabto.
Putin wuxuu guddoomiyay guddi cusub oo loogu talagalay in lagu dardargeliyo soo saarista iyo gaadhsiinta hubka iyo saadka ciidamada Ruushka, wuxuuna carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la dar dargliyo.
Warbixinnada Ruushka ayaa qiray in qaar badan oo ka mid ah dadka loo abaabulay inay ka dagaalamaan Ukraine – kuwaasi oo madaxweynaha Ruushka uu sheegay inay tiradoodu ahayd 222,000 oo ka mid ah dufcadii ugu horreysay ee 300,000 – inaan wali la siinin qalab aasaasi ah oo ku filan, sida xidhmooyinka caafimaadka iyo jaakadaha jilicsan, iyadoo ay ahayd inay helaan sahaydooda oo dhamays tiran.
Toddobaadkii hore, Putin wuxuu isku dayay inuu muujiyo in wax walba ay wanaagsan u socdaan, isagoo booqday goob tababar oo ku taal Ruushka halkaas oo lagu tusay askar si fiican u qalabaysan.
Warar kale ayaa sheegaya in ciidamada Ruushka ay ku soo badanayaan isticmaalka qalab duug ah oo mararka qaar aan la isku haleyn karin, waxaana la sheegay in qaar ka mid ah ciidamada cusub ee la soo uruuriyay dhakhso loo geeyey jiidaha hore ee dagaalka, iyadoo aanay helin tababar ku filan.

Madaxweynaha Ruushka oo Salaamaya Askari ka Tirsan Ciidanka Dalkiisa

Wasaaradda Difaaca ee Boqortooyada Ingiriiska ayaa sheegtay in Ruushku uu hadda isticmaalo tiro badan oo ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si uu isugu dayo inuu khal khaliyo Nidaamyada difaaca hawada ee Ukraine. Kuwaasi oo uu u isticmaalayo bedelka halkii uu adeegsan lahaa hubka saxda ah ee riddada dheer ee Ruushku sameeyay,
“Sanadka madaafiicda ee Ruushka ayaa sii yaraanaya,” ayay wasaaraddu ku sheegtay warbixintii Talaadadii.
Machadka Daraasaadka Dagaalka ee fadhigiisu yahay Washinton ayaa sheegay in isticmaalka yar ee gantaalada Ruushka iyo weerarrada Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee sii kordhayaa ay suurtogal ka dhigayso inay ka tarjumaan hoos u dhaca gantaalada iyo waxtarka xaddidan ee fulinta yoolalka milatari iyo istiraatijiyadeed ee Ruushka.
Inkasta oo ay jirto in milatariga Ruushku ay ka gaysteen khasaare baaxad leh iyo dhaawac culus gudaha Ukrain, iyaga oo burburiyay guryo, dhismayaal dadweyne iyo xadhkaha korontada ee Ukraine. Baanka Adduunka ayaa ku qiyaasay khasaaraha soo gaadhay Ukraine ilaa hadda 350bn oo Yuuro ($348bn).
Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, laga soo bilaabo bilawga duulaanka Ruushka ee Febraayo 24 ilaa bilowgii Oktoobar waxaa Ukraine laga diiwaan geliyay khasaare nafeed oo gaadhay 15,246 qof oo rayid ah. Dadkaasi oo 6,114 kamida la dilay halka 9,132 ay dhaawacmeen. Ku dhawaad 7.7 milyan oo reer Ukraine ah ayaa ka qaxay dalka oo hadda qaxooti ahaan ugu nool Yurub oo dhan, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.
Raiisel wasaaraha cusub ee UK Rishi Sunak ayaa u balan qaaday madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy in taageerada wadankiisa ee Ukraine ay noqon doonto mid adag oo ka sii xoogan sidii hore, afhayeen u hadlay Xafiiska RW ee Downing Street ayaa sidaa warbaahinta u sheegay.
Hogaamiyaasha Sunak, Boris Johnson iyo Liz Truss, waxay si cad u ballan qaadeen taageero buuxda oo ay siinayaan dalka ay dagaalladu aafeeyeen, ra’iisul wasaaraha cusubna wuxuu sheegay in kaalmada milatari ee UK ay noqon doonto tii ugu xooganayd abid ayna halkeedii ka sii socon doonto inta uu xilka hayo.
Sarkaal sare oo Yukreeniyaan ah ayaa saadaaliyay goor dambe oo salaasadii ah in “dagaalladii ugu cuslaa” aysan weli fooda isku darin gobolka istaraatiijiga ah ee qaybta koonfureed ee Ruushku haysto ee Kherson, halkaas oo uu sheegay in militariga Moscow ay dhufaysyo ka qodayaan si ay uga hortagaan weerarka Ukraine.
Magaalada caasimadda ah iyo dekedda wabiga ee gobolka Kherson, oo ay ku noolaayeen dad ku dhow 280,000 ka hor dagaalka, waa magaalada ugu weyn ee Ruushku weli haysto tan iyo markii uu qabsaday horaantii duulaankii Ukraine siddeed bilood ka hor.
Ciidamada Ukraine-na uma muuqdaan inay guulo badan ka gaadheen duulaanka rogaal celiska ah ee ay ku qaadeen gobolka Kherson tan iyo horraantii bishii Oktoobar.
Mid ka mid ah xulafada Moscow ayaa Talaadadii ku booriyay Ruushka inay kordhiyaan xawaaraha iyo baaxadda burburinta Ukraine.
Ramzan Kadyrov, hogaamiyaha Chechnya oo ciidamo u diray inay ka dagaalamaan Ukraine, ayaa ku booriyay Moscow inay baabi’iso guud ahaan magaalooyinka si ay uga aargoosato duqeymaha ay Ukraine ka fulisay dhulka Ruushka.

Aljazeera

la Xidhiidha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisement -

Arimaha Diinta