Friday, March 24, 2023
HomeWararkaIsrael Oo Maraykanka La Wadaagaysa Xogo Sirdoon Oo Ku Saabsan Diyaaradaha Iran...

Israel Oo Maraykanka La Wadaagaysa Xogo Sirdoon Oo Ku Saabsan Diyaaradaha Iran Ee Ruushku U Isticmaalay Ukraine

Washington (Haldoor News):- Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ayaa qorshaynaya inuu la wadaago madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden Arbacada, xogo sirdoon oo ku saabsan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay samaysay Iran oo ay ciidamada Ruushku u isticmaaleen dagaalka ay ka wadaan dalka Ukraine.

Xafiiska madaxweynaha Israa’iil ayaa sheegay in dalkiisu uu hayo caddaymo sawiro ah oo muujinaya sida ay isugu midka yihiin diyaaradaha lagu soo riday dalka Ukraine iyo kuwa ay Iran tijaabisay sannadkii 2021.

Ukraine iyo xulafadeeda reer galbeedka ayaa sheegay in Ruushku uu dhowaan adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dalka Iran ee loo yaqaano Shaheed-136, isaga oo ku weeraray qaybo badna oo dalkaas ah oo ay ku jirto caasimadda Kyiv.

Iran ayaa beenisay inay dalka Ruushka gaadhsiisay diyaaradahaas, halka Moscow ay lafteeduna ay iska fogaysay eedda loosoo jeediyey.

Biden ayaa Talaadadii soo saaray digniin adag oo uu uga digayo dalka Ruushka inuu u isticmaalo dagaalka Ukraine, bam ka mida noocyada halista ah ama hubka nukliyeerka.

Isaga oo sheegay in haddii Ruushku uu tallaabadaas qaado, uu samayn doono khalad weyn.

Warbixintan waxaa ku jira macluumaad laga soo xigtay Weriyaha VOA ee Qaramada Midoobay Margaret Besheer iyo Aqalka Cad ee Maraykanka, AP, AFP iyo Reuters

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)