Friday, April 19, 2024
HomeWararkaShacabka Caasimada Jigjiga oo Gadooday iyo Maydhka Xildhibaan Juweeriya Subcis oo ay...

Shacabka Caasimada Jigjiga oo Gadooday iyo Maydhka Xildhibaan Juweeriya Subcis oo ay diideen in la Aaso.

Jigjiga(Haldoor News):–Wararka naga soo gaaraya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo magaaladaasi, taas oo ka dhalatay caro xoogan oo ay shacabka ka muujiyeen dilkii Isniintii shalay loo geystay xildhibaan Juweeriya Subcis oo ka tirsaneyd baarlamaanka dowlad deegaanka Soomaalida.

Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan Jigjiga oo maanta isugu soo baxay afaafka hore ee guriga marxuumadda ayaa diiday in la’aaso illaa inta cadaalad looga helayo.

Dadweynaha reer Jigjiga ayaa si weyn wax isaga weydiinaya dilka xildhibaan Juweyriya Subcis oo shalay ku dhimatay rasaas uu furay askari ka tirsan ciidanka ilaalada garoonka  diyaaradaha ee Garaad Wiilwaal, taas oo sababtay dhaawaca illaa saddex qof oo kale.

AUN Xildhibaan Juweeriya Subcis ayaa xubin ka aheyd xisbiga Prosperity Party ee uu hoggaamiyo Abiy Ahmed, waxaana ay caan ka hayd deegaanka Soomaalida.

Madaxweyne Cagjar oo dilkan ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in gacanta lagu soo dhigay askarigii ka dambeeyey falkaasi, wuxuuna tilmaamay in cadaaladda la horkeeni doono.

“Ciidamada amaanka ee Deeganka ayaa gacanta ku haya Gacan-ku-dhiiglihii dilka gaystay, waxaana la marin doonaa ciqaabta uu mutaystay” ayuu yiri madaxweynaha DDS.

Sidoo kale wuxuu tacsi u diray ehellada marxuumadda iyo guud ahaan shacabka dowladda deegaanka Soomaalida, isaga oo tilmaamay inuu xanuunka la qaybsanayo.

Waxaan shacabka Deegaanka la qaybsanaynaa xanuunka iyo tacsiyaha dilka foosha xun ee ay nafteeda ku wayday Allaha ha u naxariistee Xildhibaan Juweria Subcis oo ka tirsanayd Golaha Baarlamaanka Deegaanka”. ayuu markale Cagjar oo war qoraal ah soo saaray.

Dilka xildhibaan Juweeriya ayaa si weyn looga dareemay Jigjiga, waxaana dhammaan dadka ay waxyeelada ay soo gaartay ay ka dhoofayeen garoonka magaaladaas.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir
Exit mobile version