fbpx
Saturday, March 30, 2024
HomeWararkaIs-rasaaseyn xildhibaan lagu dilay oo ka dhacday garoonka diyaaradaha Jigjiga

Is-rasaaseyn xildhibaan lagu dilay oo ka dhacday garoonka diyaaradaha Jigjiga

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay, saddex kalena waa ku dhaawacmeen is-rasaasayn gegida diyaaradaha ee Garaad Wiilwaal ee magaalada Jigjiga ku dhex martay ciidanka ilaalada garoonka.

Qofka dhintay ayaa ahaa xildhibaan Juweeriya Subcis oo ka tirsan baarlamaanka gobolka Soomaalida, balse xubin ka aheyd xisbiga Prosperity Party ee uu hoggaamiyo Abiy Ahmed , waxaana ay caan ka hayd deegaanka Soomaalida.

Dadka dhaawaca ah ee la xaqiijiay waxa ku jira xildhibaan kale oo lagu magacaabo Cabdirashiid Maxamed Gaaruf.

Dadka khasaaruhu soo gaadhay ayaa ka dhoofayay garoonka.

Madaxa booliska deegaanka Soomaalida ayaa warbaahinta dawladda u sheegay in askari ka tirsan ciidanka ilaaladu uu rasaas ku furay dadka rakaabka ah ee safrayay.

Waxa uu sheegay in ay wadaan baadhitaanno ku saabsan sida ay wax u dhaceen islamarkaana ay gacanta kusoo dhigeen askarigii dhibka gaystay. Waxa uu sidoo kale xusay in xaaladdu ay hadda caadi ku soo laabatay.

Amniga garoonka diyaaradaha ee Jigjiga ayaa waxa ilaaliya ciidanka federaalka ee Itoobiya.

Source: Voasomali

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)