fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararkaQorshe Sir ah oo Halis ku ah Moscow | halka uu yaalo...

Qorshe Sir ah oo Halis ku ah Moscow | halka uu yaalo ban Nukliyeer ah oo ay Ukraine doonayso inay qarxiso

Hargeysa(Haldoor News):-Iyada oo ay sii xoogaysanayso xiisadda u dhaxaysa Ruushka iyo Ukraine lagana cabsi qabo in Moscow ay adeegsato hubka taatikada ee Nukliyeerka, wakaaladda Ruushka ayaa ka soo xigatay ilo ay ku tilmaantay “in lagu kalsoonaan karo” in Ukraine ay isku diyaarinayso isticmaalka “hubka Nukliyeerka ee awooda yar” ama nooca taatikada kaas oo leh awood wax burburineed oo xadidan, halka talefishanka Ruushku uu daaha ka qaaday. goobta bamka nukliyeerka ee Ukraine uu ku diyaarsan yahay.

Wakaaladda wararka ee Ruushka ee RIA Novosti ayaa shaaca ka qaaday iyadoo soo xiganaysa ilo lagu kalsoonaan karo oo wadamo kala duwan ka soo jeeda in maamulka Kyiv uu diyaarinayo daandaansi uu doono inuu ku isticmaalo hubka Nukliyeerka khasaaraha hooseeya.

Wakaaladdu waxay xustay in “daandaansigan oo la qorsheeyay in laga sameeyo gudaha dalka Ukraine, looga golleeyahay in lagu eedeeyo Ruushka in uu hubka wax gumaada u adeegsaday howlgallada uu ka wado gudaha Ukraine, isla markaana ay olole xooggan oo ka dhan ah Ruushka ka bilawdo aduunka oo dhan si loo wiiqo kalsoonida Moscow.”

Isla mar ahaantaana, Madaxda ugu saraysa Ukraine waxay sameynayaan xidhiidho qarsoodi ah oo ay la leeyihiin wakiilo ka socda Britain, Masuuliyiinta ka socda boqortooyada ingiriiska oo qaybaha hubka nukliyeerka ku wareejinaya maamulka Kyiv.

Qabanqaabiyeyaasha daandaansigan ayaa sheegay in hadii si guul leh loo fuliyo, waddammada caalamka intooda badani ay si adag uga jawaabi doonaan “shilka nukliyeerka ee Ukraine, taas oo keenaysa in Moscow ay lumin doonto taageerada qaar badan oo ka mid ah xulafadeeda ugu muhiimsan, Reer galbeedkana waxay isku dayi doonaan mar kale si kor loogu qaado arrinta ku saabsan, in Ruushka laga xayuubiyay xubinnimada xubinnimada joogtada ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, RIA Novosti waxay intaa ku dartay inay sii xoogaysan doonaan hadalada lidka ku ah Ruushku.”

Sabtidii, Guddoomiye ku xigeenka Golaha Ammaanka ee Ruushka Dmitry Medvedev ayaa ka digay in dib loo eego xaaladda xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, oo ay ku jirto xaqa diidmada qayaxan, haddii kale ururku uu la kulmi doono qalalaase iyo soo noqnoqoshada masiirka Ururka Qaramada Midoobay.

Bayaan uu soo saaray, sarkaalka Ruushku wuxuu intaa ku daray  xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waa inaysan ka qayb galain dibu eegista oo ay ku jirto xaqa diidmada qayaxan.

Sarkaalka Ruushka ayaa sidoo kale ku nuuxnuuxsaday inay muhiim u tahay Qaramada Midoobay inay ilaaliso mabda’a aasaasiga ah ee xiriirka caalamiga ah “sinaanta dhammaan dawladaha iyo waajibka ah in la dhagaysto mowqifka dawlad kasta.

Telefiishanka Ruushka ayaa hore ugu eedeeyey Ukrayn inay bam Nukliyeer ah oo ku haysato magaalada Mykolaiv, kaas oo ay qarxin doona oo dilaya kumanaan rayid ah, ka dibna ay ku eedeeyaan Ruushka inuu dagaalka u isticmaalay hubka Nukliyeerka.”

Waxa uu sheegay in tallaabadani ay ka dhigan tahay in Ukrayn ay doonayso in ay abuurto cudurdaar ay ciidamada NATO ku galaan dagaalka Ruushka.

Xubnaha NATO ayaa ka digay in hadii Ruushka uu hubka Nukliyeerka u adeegsado Ukraine ay ka dhigan tahay in isbaheysiga uu si rasmi ah u galo dagaalka.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa horay uga digay in dalkiisu uu isticmaali doono wax walba oo uu ku ilaalinayo ammaankiisa qaran, isagoo ka dhawaajiyay in doorashada “hubka Nukliyeerka aan laga reebin”, taasoo NATO ay u aragtay khatar iyaga ku wajahan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)