Saturday, April 20, 2024
HomeWararkaDaawo: Dowladda Sacuudiga oo MUQDISHO ka qaaday dhaawacyada 8 qof

Daawo: Dowladda Sacuudiga oo MUQDISHO ka qaaday dhaawacyada 8 qof

Muqdisho(Haldoor News):-Dowladda Sacuudiga ayaa maanta magaalada Muqdisho diyaarad uga qaaday sideed qof oo qabta dhaawacyo kale duwan, kuwaas oo ku dhaawacmay weerarkii Hotel Xayaat iyo weerarro kale oo Hoobiye loo adeegsaday oo Al-shabaab ay Muqdisho ka fuliyeen.

Dadkaan oo dhamaantood shacab ah ayaa waxaa la sheegay in qaar kamid ah guryahooda ay hoobiyayaal ugu tageen, qaarna ay ku dhaawacmeen weerarkii Hotel Xayaat, kadibna isbitaallada Muqdisho waxaba looga qaban waayey.

Diyaarad maanta oo Jimco ahayd ka timid Boqortooyada Sacuudiga ayaa 8-daan qof garoonka Aadan Cadde ka qaaday, waxaana lagu soo daweynayaa dalkaas.

Wasiir Caafimaadka XFS, xildhibaano, safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya iyo masuuliyiin kale ayaa maanta ku sugnaa garoonka Aadan Cadde markii laga qaadayey dhaawacyada dadkaan oo lagu soo daweynayo dalka Sacuudiga.

Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya ayaa sheegay in tani ay qeyb ka tahay caawinta ay la garab taagan yihiin dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ee burburka ka soo kabanaya.

Wasiirka Caafimaadka XFS Cali Xaaji oo warbaahinta kula hadlay garoonka ayaa sheegay in dowladda Sacuudiga ay maanta ka soo jawaabtay codsi ay u dirsatay dowladda Soomaaliya, oo ahaa in gurmad caafimaad  ay u fidiso dadka Soomaaliyeed ee dhaawacyadooda dalka waxaba looga qaban waayey.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir
Exit mobile version