fbpx
Saturday, April 20, 2024
HomeWararkaBanaanbaxyo waawayn oo saaka ka billowday Magaalada Addis-abab ee dalka Itoobiya

Banaanbaxyo waawayn oo saaka ka billowday Magaalada Addis-abab ee dalka Itoobiya

Sabti, October, 22, 2022 (Haldoor News) – Guud ahaan magaalooyinka dalka Itoobiya waxaa saaka ka billowday banaanbaxyo nabadeed oo waawayn, kuwaas oo ay dowladdu ku sheegtay in looga soo horjeedo waxay ku tilmaantay faragalinta reer galbeebku ku hayaan arimaha gudaha ee dalka Itoobiya.

Haddaba banaanbaxyadan oo ay soo abaabushay dowladda Itoobiya ayaa saaka ka billowday magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, sidoo kale dhammaan degaannada dalka Itoobiya ayaa iyaguna banaanbaxyo sidan oo kale ah maanta laga samaynayaa.

Dadkan banaanbaxyada samaynaya ayaa wata boodhadh ay ku qoran yihiin erayo ka tarjumaya dareenkooda ku aadan sida ay uga soo horjeedaan cid kasta oo isku dayda inay soo faragaliso wixii khuseeya arrimaha gudaha ee dalka Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa banaanbaxyadan uga dan leh sidii ay dalalka shisheeye u tusi lahayd in aan marnaba lasoo dhex gali karin waxa ka soconaya gudaha dalka Itoobiya, ee dowladdu iyadu xalinsanayso wixii dhibaato ama khilaaf ah ee ka taagan gudaha dalka Itoobiya.

Banaanbaxyadan ayaa kusoo aadaya xilli dalalka reer galbeedku iyo hay’adaha caalamigu ay dowladda Itoobiya ku cadaadinayeen sidii ay dowladdu u joojin lahayd colaadda ka taagan gobolka Tigray, isla markaana xabadda joojin u samayn lahayd, isla markaana u oggolaan lahayd in miiska wada hadalka la isugu yimaaddo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir