24.3 C
Hargeisa
Friday, January 27, 2023

Tartanka loogu Jiro Hanadashada Kursiga Raysal Wasaaraha Uk oo Bilaabmatay

Tartanka loogu Jiro hanadashada Kursiga Raysal Wasaaraha Uk oo Bilaabmatay
London (HN):-Liz Truss ayaa iska casishay xilka raysul wasaaraha UK, kaddib 45 maalin oo ay xafiiska joogtay, isla markaana uu jahawareer siyaasadeed hareeyay.

Waxaa iscasilaaddeeda ay dhalisay in doorashadii labaad ee hoggaanka xisbiga la qabto afar bil gudahood.

Waxaa durba billowday loollanka ay madaxda kala duwan ee xisbiga ugu jiraan qabashada xilka ay banneysay.

Truss ayaa sheegtay in qofka beddeli doona la dooran doono toddobaadka soo socda.

Boris Johnson ayaa ka mid ah mudaneyaasha la sheegay inay ka fiirsanayaan ka qeybgalka tartanka, balse wasiirka maaliyadda Jeremy Hunt ayaa sheegay in uusan damac ka hayn xilka.

Sida uu dhigayo sharciga xisbiga, cid kasta oo ay rejo ka hayso hoggaanka ayaa u baahan doona inay xaqiijiso taageerada 100 xildhibaan si ay tartanka uga qeyb gasho – tani waxay ka dhigan tahay in ugu badnaan ay saddex murashax soo bixi karaan.

Codeynta ugu horreysa ayaa loo qaban doonaa xildhibaannada, waxaana meesha laga saari doonaa qofka ugu codka yar, haddii ay soo baxaan saddex murashax.

Haddii loo baahdo cod-bixin labaad, xildhibaannadu waxay awood u yeelan doonaan inay farta ku fiiqaan cidda ay doonayaan in ay hoggaanka xisbiga qabato.

Haddii labada murashax ay door-bidaan inay ku sii jiraan tartanka, go’aanka kama dambaysta ah wuxuu tagi doonaa xubnaha xisbiga iyada oo loo marayo cod online ah.

Truss waxay noqon doontaa raysul wasaarahii ugu waqtiga yaraa taariikhda Ingiriiska marka ay xilka ka degto.

Qaabka ay madaxda caalamka uga fal-celiyeen iscasilaadda

Hoggaamiyeyaasha dalalka xulafada la ah UK ayaa uga mahadceliyay Truss wada shaqaynteeda, intii ay xilka haysay.

Madaxweyneyaasha Mareykanka Joe Biden iyo  Faransiiska Emmanuel Macron, ayaa sheegay in ay doonayaan in ay arkaan xasillooni siyaasadeed oo ka hirgasha Britain.

Mid ka mid ah xildhibaannada Ukraine – Oleksiy Goncharenko – ayaa sidoo kale Truss uga mahadceliyay taageeradeeda, isagoo sheegay in “Ukrain aysan waligeed illoobi doonin!”.

Balse, dhanka Ruushka afhayeen u hadashay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa soo dhaweysay iscasilaadda Truss , iyadoo sheegtay in Britain aysan waligeed soo marin waji gabax la mid ah midka raysul wasaaraha is-casishay.

Maxaa ka mid ah sababaha soo dadejiyay iscasilaaddeeda?

Tageeradeeda wasiirka maaliyadda, Kwasi Kwarteng oo soo bandhigay canshuur-dhimis gaaraysa 45 bilyan, toddobadakii saddexaad ayaa keentay qalalasaase siyaasadeed oo dhanka dhaqaalaha ah.Waxaa loo jeediyay eedaymo dhaqaale-xumo oo culus, waxayse ku adkeysatay in tallaabadaas ay qaadday ay sax ahayd.Mar dambe ayaa tallaabadaas laga noqday, xilkana laga eryay wasiirkii maaliyadda.

Truss ayaa beddeshay raysul wasaarihii hore ee Ingiriiska Boris Johnson, lixdii bishii Sebteembar.

Horay waxaa u dhacday in 119 maalin uu xilka hayay George Canning, kaas oo xafiiska ku geeriyooday sanadkii 1827.

la Xidhiidha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisement -

Arimaha Diinta