Thursday, March 28, 2024
HomeWararkaSaddex bilood kadib heshiiskii Xasan Sheekh iyo Kenyatta, yaa guuleystay?

Saddex bilood kadib heshiiskii Xasan Sheekh iyo Kenyatta, yaa guuleystay?

Nairobi (Haldoor News) – Tan iyo markii dib loo furay qaadka Miirooga ayaa waxay Kenya ka heshay dhoofintiisa lacag dhan 4 bilyan oo lacagta dalkeeda ah, oo u dhiganta lacag ka badan 8 Milyan oo dollar.

Madaxa Qaadka Miraa iyo Dalagyada kale ee warshadaha, Felix Mutwiri ayaa sheegay in Kenya illaa hadda ay dhoofisay 1.4 milyan oo kiilogaram oo qaadka Miirooga ah, kadib markii labada dal ay ka heshiiyeen dhoofintiisa.

“Waxaan ilaa hadda dhoofinay 1.46 milyan oo kiilogaram oo Miiro ah tan iyo markii aan dib u bilownay suuqa Soomaaliya bishii Luulyo, waxaana wali wadnaa wada-hadallo lagu kordhinayo tirada maalmaha soo socda,” ayuu yiri Felix Mutwiri.

Kenya ayaa Kiilada qaadka Miirooga ee Soomaaliya loo soo dhoofiyo waxay ka hesha lacag dhan $23 milyan.

Qaadka Kenya oo in muddo ah laga joojiyay gudaha Soomaaliya ayaa waxay dowladda federaalka ogolaatay bishii July in loo soo dhoofiyo dalkeena, kadib wada-hadalo ay yeesheen madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta.

Heshiiska ayaa waxaa qeyb ka ahaa in Soomaaliya ay iyana Kenya u dhoofiso kalluunka, sidoo kalena dadka Soomaaliyeed loo fududeeyo dal-ku-galka Kenya, qodobadaas oo weli aan la fulin, taasi oo caddeyn u ah in heshiiskaas ay ku guuleysatay Kenya, balse Soomaaliya

 

Xigasho: Caasimada

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)
Exit mobile version