Moscow(Haldoornews):-Ruushka ayaa ku dhawaaqaya in uu xukun militari ku soo rogay afarta gobol ee Ukraine uu ka qabsaday.
Xilli madaxwayne Putin iyo xukuumaddiisa ay wajahayaan cadaadis militari iyo mid dhaqaale ayaa waxaa uu madaxwaynaha Ruushka ku soo rogay xukun militari 4 gobol oo uu horay u sheegay in ay dalkiisa ku biireen.
Gobollada Luhansk, Donetsk, Zaporizhzhia iyo Kherson ayaa lagu soo rogay xaalad militari oo degdeg ah.
Ma cadda waxa ay tallaabadan cusub soo kordhinayso xilli militariga Ukraine ay hormarro ka sameynayaan dagaalka.
Waxay u muuqataa in ciidamada Ukraine aysan hubka dhigi doonin oo ay ka go’an tahay in ay dib u qabsadaan dhulkii uu Ruushka horay ula wareegay.
Madaxwayne Putin ayaa sidoo kale adkeeyay ammaanka guud ahaan Ruushka, iyadoo la soo bandhigay saddex qorshe oo leh heerar kala duwan oo dhanka ammaanka ah.
Madaxwaynaha oo khudbad jeediyay ayaa sheegay in uu saxiixay wareegtada xukunka militari ee lagu soo rogay afarta gobol.
“Aan idin xusuusiyo in xukunkan milatari uu ka dhaqan galay jamhuuriyadaha Donesk, Lugansk iyo gobollada Kherson iyo Zaphorishya tan iyo markii ay ku soo biireen dhulka Ruushka. Iminkana waa lagama maarmaan in la dhaqan geliyo, iyada oo la raacayo sharciga Ruushka, marka waxaan saxiixay dikreeto xukun milatari ku soo rogaysa afarta qaybood ee ka midka ah federaalka Ruushka,” ayuu yiri Putin.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa dhankiisa sheegay in madaxwayne Putin ay u muuqato in ay ka dhamaadeen khiyaarradii u furnaa, isla markaana ay iminka u egtahay in uu dhibaateynayo muwaadiniinta Ukraine.
Waxaa uu intaas ku daray in Putin uu doonayo in uu u cago-jugleeyo shacabka Ukraine, balse aysan taasi dhici doonin.
“Waxay ila tahay in Vladimir Putin ay xaaladdu ku adkaatay, waxaana iiga muuqda waxa keliya ee u haray inuu sameeyo inay tahay in uu dhibaateeyo shacabka Ukraine oo uu cabsi geliyo, si ay isu dhiibaan, laakiin waa waxaan dhacayn oo isu dhiibi maayaan,” ayuu yiri Biden.
Dhanka kale, tobannaan kun oo rayid ah iyo saraakiil uu Ruushku soo magacaabay ayaa laga daadgureynayaa gobolka Kherson ee koonfurta Ukraine, ka hor duullaanka Ukraine ee halkaas ku wajahan.
Horay waxaa uu Ruushka u qiray in xaalad adag ay ka jirto gobolka Kherson, halkaas oo ay duqeymo ku hayaan ciidamada Ukraine.