fbpx
Friday, April 19, 2024
HomeWararkaGuddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Jsl Oo Maanta Dhaariyay Xubnaha Guddida Qaran Ee...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Jsl Oo Maanta Dhaariyay Xubnaha Guddida Qaran Ee Mihnadaha Caafimaadka.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland mudane Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta dhaariyay 9 xubnood oo kamid ah Guddida Qaran ee Mihnadaha Caafimaadka (National Health Professions commission), halka labada xubnood ee kala ah Guddoomiyaha Guddida iyo Ku-xigeenkiisa aanu wali muddo xileedkoodii ka dhammaan oo ay hore u dhaarsanaayeen..

Xubnaha la dhaariyay ayaa kala ahaa.

1.Siciid Bulxan Cige

2.Xamda Cabdi Faarax

3.Ayaanle Sulaymaan Axmed

4.Ismaaciil Cawil Xasan

5.Barkhad Cumar Cali

6.Mumtaas Daahir Farxaan

7.Sayid Cabdilaahi Taani

8.Dr Mustafe Maxamed Axmed

9.Filsan Xuseen Yuusuf

Kuwaasi oo ay hore Maxkamadda Sare ugu soo gudbiyeen Guddida Qaran ee Mihnadaha Caafimaadku codsi ay ku dalbanayaan in xubnahaasi loo dhaariyo.

Dhaarinta kadib Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali Axmed, waxa uu kula dardaarmay xubnaha la dhaariyay in ay bulshada dhex u ahaadaan oo ay ugu shaqeeyaan si hufan oo ay ku dheehan tahay daacadnimo badhaxtiran, waxaanu Alle uga baryay in uu u fududeeyo .

masuuliyadaa culus ee loo igmaday.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir