Friday, March 29, 2024
HomeWararkaMadaxweyne Biixi oo Fariin Adag U Diray Dowladda Sacuudiga

Madaxweyne Biixi oo Fariin Adag U Diray Dowladda Sacuudiga

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo saaka shacabka ku dhaqan magaalada Hargeysa kala qaybgalay tukashada salaadda Ciidal Adxaha, ayaa ka hadlay carqaladda uu maamulka Xamar ku sameeyay dadkii reer Somaliland ee sannadkan Xajka tegi lahaa.

Madaxweyne Biixi, ayaa waxaa uu sidoo kale dowladda Sacuudiga u diray farriin cad oo la xidhiidha in Somaliland loo madax bannaaneeyo arrimaha la xidhiidha xujaydeeda, siyaasadda laga daayo cibaadada.

Waxaa uu dowladda Sacuudiga ka codsaday in ay soo celiso qoondadii ay Somaliland ka heli jirtay xujaajta xajka, isagoo u soo jeediyay in arrinta sababtay in dadka reer Somaliland aanay sannadka Xajin oo ah in aanay helin qoondadii ay uga barteen in dowladda Sacuudigu ka siiso xujaajta, in anay mar kale dhicin.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in bulsho kasta tirada xujaajta ee ay helayaan lagu saleeyo tiradooda guud, sidaa darteedna bulshada Somaliland ay ka badanyihiin 4 milyan oo qof loona bahanyahay in la siiyo wixii tiradoodu u goyso.

Xukuumada Somaliland, ayaa sannadkan baajisay xujaydii reer Somaliland ee Xajka tagi lahaa, kadib markii ay sheegtay in Soomaaliya ay qoondadii Somaliland xajka ka heli jirtay oo ahayd %40 kusoo urrurisay %6.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)
Exit mobile version