fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararkaGuddida Diwaangalintu Waxay Baalmareen Inay Dabaqaan Isla Markaana Xaqiijiyaan Waajibaadka Sharci Ee...

Guddida Diwaangalintu Waxay Baalmareen Inay Dabaqaan Isla Markaana Xaqiijiyaan Waajibaadka Sharci Ee Uu Ku Waajibiyay Xeerku”Gar Yuusuf Biixi.

Garyaqaan Yuusuf biixi ayaa ka hadlay waajibaadka looga baahan yahay gudida diwaangalinta ururada iyo sharciga ay ku ilaalinayaan ururada cusub ee isdiwaan galiyay.

Sidoo kale garyaqaan yuusuf biixi ayaa lacagta ay maanta gudida diwaangalintu ka qabteen ururka waabari in ay tahay mid sharciga baalmarsan islamarkaana aan waxba ka tarayn hagaajinta xisbiyada aynu ubaahanahay.

 

Garyaqaan Yuusuf Biixi ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

Baraarujin Sharci.

 

Talaabadii Kowaad Ee ay qaado guddida diwaangalintu, Waxay Baalmareen inay dabaqaan isla markaana Xaqiijiyaan waajibaadka sharci ee uu ku waajibiyay xeerku ee ah in la xaqiijiyo xubnaha ku bahoobay ama wada aasaasay ururka si waafawsan Qodobka.4aad farqadiisa (D). Waana halka ay ka bilaamayso xisbiyo lawada leeyahay isla markaana xubnuhu u siman yihiin.

Waana Markale iyo Mulkiilayaal Xisbiyo Oo Cusub Oo aynu Soo Saarayno isla markaana aynu dib uga halaabayno dhabihii dimuqraadiyada iyo wax wada lahaanshiiyaha asxaabta qaranka ee aynu u samaysanay oo guddidu aanay u marin xeerka diwaangalinta ururada siyaasada, isla markaana aanay hubin jeebada ay ka soo baxday lacagta duwaangalintu ma mid xubinkaliyaa mise waxaa ku bahoobay xubnaha ururka wada yagleelay.

Sidaynu ka warqabno xeerku waxa uu sheegayaa in la helo xubno ku bahooba urur siyaasadeed oo isku afkaar ah isla markaana si waafaqsan Qodobka.4aad Ee Xeer Lr.14.2011 Xeerka diwaangalinta ururada siyaasada iyo asxaabta qaranka JSL, u mara aasaaskooda ururnimo, Waxaana guddida waajib ka saarnaa inay ku ilaaliso ururadu inay buuxiyeen shuruudahii xeerku u jideeyey inay soo buuxiyeen, iyagoo u dul istaagaya farqad farqad, tusaale ahaan in lacagta diwaangalinta laga soo ururiyay xubnaha ururka balse aanay jeeb nin kasoo bixin si waafawsan Qodobka.4aad Xubnihiisa Kh.D oo u dhigan sidatan.

Qodobka.4aad Xeer Lr.14.2011 Xubinihiisa kala ah.

  1. kh) Caddeyn bixin cashuurta diwaan galinta oo dhan 150, 000,000 (Boqol iyo konton milyan) shilin Somaliland.

d)Waxaa waajib ah in lacagta cashuurtu cadahay in la wadaagey oo aysan ka  bixin gacan qudha, waxaana dabagal ku samaynaya Guddida Diiwaan-gelinta.

Sidaas darteed gudidu waxay maanta baalmatay inay hubiso oo ay xaqiijiso xubnaha ururkan wada leh oo ay ka bilaabanto nidaamka wax wadda lahaanshiiyaha asxaabta qaranka waana halka ay wax ka qaloocdaan marwalba.

Markaas uma baahnin shacbi ahaan hebel hebel lagu badalo iyo xisbi xisbi lagu badalo ee waxaynu u baahanahay ururo iyo asxaab qaran oo xeerka ku ilaaliya,

Sidoo kale uma baahnin guddi guddid badasha ee waxaynu u baahanahay guddi garanaysa waajibaadkeeda Sharcigu siiyay si aynu u helno asxaab qaran oo tayo leh isla markaana inuu buuxiya waajibaadkii aynu u igmanay.

Alle Xaqa hayna waafajiyo

Aamiin Amiin Amiin.

Garyaqaan.Yuusuf biixi “Talasame”.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)