fbpx
Saturday, April 20, 2024
HomeWararkaTaiwan oo Laba Ambulance Ku Caawisay Cusbitaaladda Hargeysa iyo Gabiley

Taiwan oo Laba Ambulance Ku Caawisay Cusbitaaladda Hargeysa iyo Gabiley

Wasaaradda caafimaadka Somaliland, ayaa maanta dowladda Taiwan kala wareegtay laba baabuur oo kuwa gar gaarka deg deg ah, kuwaasoo la soo mariyay safaaradda Taiwan ee Hargeysa.

Labadan Ambulance, ayaa loogu tallo galay in ay ka shaqeeyaan cusbitaalka guud ee Hargeysa iyo cusbitaalka Gabiley, labadaasi cusbitaal oo uu ka shaqeeyo mashruuca daryeelka Hooyadda iyo Dhalaanka oo ay iska kaashanayaan Somaliland iyo Taiwan.

Labadan Ambulance, ayaa si gaar ah uga shaqayn doonaan hawlaha bad-baadinta hooyada ee xiliga ay Umulayso, si loo yareeyo dhimashada hooyooyinka ee wakhtiga Foosha ama umul-raaca.

Sida uu sheegay wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), oo labadan Ambulance kala wareegay safiirka dawladda Taiwan u fadhiya Hargeysa Mr. Allen Luu.

Cusbitaaladda magaalooyinka Hargeysa iyo Gabiley oo uu hadda ka shaqeeyo mashruuca daryeelka Hooyadda iyo Dhalaanka oo ay iska kaashanayaan dowladda Somaliland iyo Taiwan.

Iyadoo labadaasi cusbitaal ay ku xidhan xanaanooyin iyo xarumo caafimaad oo lagu daryeelayo Hooyadda iyo Dhalaanka.

Wasiirku waxa kaloo uu sheegay in ay Somaliland ahaan dhinacoodda diyaar u yihiin in ay dhisaan oo ay sii adkeeyaan xidhiidhka ay la wadaagaan Taiwan, isagoona dawladda Taiwan uga mahad celiyay in caafimaadku uu noqday laf-dhabarta wax-wada qabsiga labadda jamhuuriyadood ee Taiwan iyo Somaliland.

Wareejinta labadan Ambulance, waxa kaloo goob joog ka ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, iyo agaasimeyaasha labada cusbitaal ee Hargeysa iyo Gabiley.

Sidoo kale waxaa iyagna goobta joogay safiirka Tiawan u fadhiya Somaliland oo ay wehelinayeen diblomaasiyiin iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan safaaradda Taiwan ee Hargeysa.

Safiirka Taiwan u fadhiya Somaliland Ambassador Allen Luu, ayaa ka waramay mashruuca lagu daryeelayo hooyadda iyo dhalaanka ee ay ka wada shaqaynayaan Somaliland iyo dawladiisa Taiwan.

Waxaanu sheegay Mr. Allen, in dawladiisu ay diyaar u tahay in ay Somaliland la wadaagto ama ku gacan siiso wixii khibrab iyo aqoon ah ee ay u leeyihiin horumarinta addeegyadda bulshadda gaar ahaana caafimaadka.

Geesta kale, Somaliland, ayaa la sheegay in sanadahan danbe uu hoos u dhacay umul-raaca dhimashadda xiliga Foosha ee hooyooyinka, guud ahaanba dhulka Soomaalida, sida uu sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr. Xergeeye.

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir