fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararkaMadaxweyne Biixi oo Magacaabay Taliyeyaal Ciidan

Madaxweyne Biixi oo Magacaabay Taliyeyaal Ciidan

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa Taliyeyaal cusub u Magaacabay Ciidammada Sirdoonka, Badda iyo Laanta Socdaalka.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa kale oo uu Maanta Magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Somaliland, ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta ee cusub u Magacaabay Siciid Xasan Habbane, kaasi oo beddelaya Wasiir ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta oo uu Toddobaadkan beddelay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa isla Maanta Taliyeyaal cusub u Magacaabay Ciidammada Sirdoonka Qaranka, Ciidammada Laanta Socdaalka Somaliland iyo Ciidammada badda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Ma jiro War rasmiya oo Madaxtooyadu ku shaacisay Taliyeyaasha la Magacaabay, balse Ilo-wareedyo xog-ogaal ah, ayaa Shabakada Hargeisapress u sheegay in Madaxweynaha Somaliland uu Taliyaha cusub ee Ciidammada Sirdoonka Qaranka u Magacaabay Faysal Guhaad Cabdi Gahayr.

Madaxweynaha, ayaa Taliyaha cusub ee Ciidammada Laanta Socdaalka u Magacaabay Maxamed Xuseen Xiirane oo hore u ahaa Taliyaha Ciidamada badda, halka uu Taliyaha cusub ee Ciidammada Badda u Magacaabay Axmed Hurre Haariye.

Madaxweynaha, ayaa sidoo kale General Axmed Hurre Haariye oo ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidamadda Milateriga u magacaabay Taliyaha cusub ee ciidanka Badda Somaliland.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)