Sunday, March 26, 2023
HomeWararkaMaalinta Deegaanka Adduunka Oo Somaliland Laga Xusay

Maalinta Deegaanka Adduunka Oo Somaliland Laga Xusay

: Munaasibad balaadhan oo lagu xusayay maalinta Deegaanka Adduunka ee shanta bisha June ayaa lagu qabtay buurta Gacan-Libaax ee gobolka Saaxil.
Waxaana xafladaasi ka soo qayb galay wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliland Marwo Shukri Xaaji Ismaciil Baandare, qaar ka mida agaasime Waaxeedyada wasaaradda Deegaanka, Isuduwaha wasaaradda deegaanka ee gobolka Saaxil.


Sidoo kale waxaa munaasibadaasi ka soo qayb galay masuuliyiin ka socday haayadaha caalamiga ah ee ay wada shaqaynta leeyihiin wasaaradda deegaanka Somaliland iyo sidoo kale haayadaha maxaliga ah iyo ururadda ka shaqeeya arrimaha deegaanka, iyo marti sharaf kale.
Munaasibadaha lagu xusayay maalinta Deegaanka Adduunka ayaa sidoo kale ka kala qabsoomay goboladda iyo degmooyinka dalka, waxaana xusaskaasi soo qaban qaabisay wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda ee Somaliland.
Maalinta Deegaanka Adduunka ayaa taariikhdeedda waxaa la aasaasay sanadkii 1972-kii, dib shir ka dhacay magaaladda Stockholm ee dalka Sweden.
Waxaana laba sanadood kadib wakhtigaasi oo ku beegnayd sanadkii 1974-kii, in ay noqoto maalin loo asteeyay deegaanka, taasoo wadamo badan oo caalamka ah laga xuso shanta bisha June.
Sanad kasta xuska maalinta Deegaanka Adduunka waxaa loo qaataa hal-ku-dheg la xidhiidha arrimaha bad-baadinta deegaanka, iyadoo sanadkana hal-ku-dheg loo qaatay ‘Dhul-keliya’.


Gudaha dalkan Somaliland munaasibadda

 

balaadhan ee lagu qabtay ee xuska maalinta Deegaanka Adduunka ayaa lagu qabtay buurta Gacan-libaax, halkaasoo ay goob joog ka ahayd wasiirka deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare.


Wasiir Shukri Baandare, ayaa intii ay ku sugnayd

munaasibadaasi waxay soo kor meertay xarunta Dhir-kobcinta iyo Banaanka hoose ee buurta Gacan-libaax, halkaasoo meelo ka mida Carro-guur xumi ka dhacay.
Waxaanay wasiirka Deegaanku sheegtay inay ka hawl gelayaan ka wasaaradd ahaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen dhibta Carro-guurka goobtaasi ka dhacay iyo waxa sababay.

DAAWO: Xuska 5 June iyo Munaasibadii Lagu Qabtay Buurta Gacan-libaax

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)