Sunday, March 26, 2023
HomeWararkaBadhasaabka Gabiley Oo Qaabilay Madax Ka Socday Haayadda UNDP

Badhasaabka Gabiley Oo Qaabilay Madax Ka Socday Haayadda UNDP

Badhasaabka gobolka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay haayadda haayadda UNDP guddiga qandaraasyadda Somaliland iyo masuuliyiin ka socday wasaaradda Hawlaha guud.
Weftigan uu badhasaabka Gabiley la kulmay oo maanta booqasho ku tegay gobolka Gabiley ayay u jeedadda socdaalkoodu la xidhiidhay sidii ay u soo kormeeri lahaayeen mashaariic ay haayadda UNDP gobolkaasi ka fulisay.


Mashaariicda ay UNDP maalgelisay ee laga fuliyay gobolka Gabiley waxaa ka mid ah dhismaha Saldhiga booliska degmadda Tog-Wajaale, dhismaha Xafiiska Xeer Ilaalinta gobolka Gabiley, iyo mashaariic kale.
Waxaana weftigaasi xafiiskiisa ku qaabilay badhasaabka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, oo weftiga faahfaahin ka siiyay halka ay marayaan mashaariicda kala duwan ee horumarineed ee ay haayadda UNDP ka caawinayso xukuumadda Somaliland ee ka socda gobolka Gabiley.
Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, oo ka hadlay kulankaasi ayaa ka warbixiyay mashaariicda ka socda gobolka Gabiley, iyo doorka xukuumadda madaxweyne Biixi, ee fulinta mashaariicda hor-tebinta leh oo uu ku tilmaamay in ay ka mid tahay barnaamijyadda iyo siyaasadda xukuumadda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)