fbpx
Saturday, September 23, 2023
HomeWararkaAnigu Ma Ihi Qof Yaraanteedii Bahda Laga Saaray” Niciima Abwaan Qorane

Anigu Ma Ihi Qof Yaraanteedii Bahda Laga Saaray” Niciima Abwaan Qorane

“Anigu Ma Ihi Qof Yaraanteedii Bahda Laga Saaray” Niciima Abwaan Qorane

Caawa dad badan ayaa igu soo tag-garaynaya qoraal la leeyahay Naciima ayaa qortay, kaas oo u dhignaa in aan ka baqayo in lay dilo. Anigu warkaas ma odhan, naag cid ka baqan karta na ma ihiye, tolow ma kuwo ulo booc ah iigu tukubaya ayaa warkan iska soo horraysiiyay.

Ulaha boocda ah fahmi maysaane, calashaan kuwo i doondoonaya. ?

Marka qof iila yimaaddo hadallada raqiiska ah ee noocan oo kale ah waxaan xaauustaa meerisyo ka mid ah gabaygii Ciddi-jiid ee uu tiriyay adeerkay AHUN Abwaan Xasan Tarabbi.

– Cuqaal talisa boqor caadiliyo culimo miisaan leh
– Ilaahii carshiga nuuriyoow kaaga caban mayno
– Caddaan kaannu wada loollanaa madow cisayn mayno.

Anigu ma ihi qof yaraantii bahda lagaga saaray oo la tumi jiray, sida loo cabsadana layma barin e, sida wax laysaga celiyo ayaa lay baray, in sidii askariga amarka aan qaatana layma barin e, in aan go’aankayga ku meel maro ayaa lay baray, intaa waxa dheer, in aan Naag Saldanad facweyn kasoo jeedda ahay oo madaxaygu kor ahaado ayaa laygu anqariyay.

Naag 11 million oo Soomaali ahi ay ilaashato, Jamaahiirta NN la qoys ah, oo si gaar ah loo ilaashanayo waxaas u joojin mayso e, maxaad wakhtiga iskaga luminaysaan? Cid wax i yeeli kartaa dunida kuma noola. Habar baa iska how how lee, heellada inoo tuma.

Niciima Abwaan Qorane

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)