fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararkaWefdi Ka Socda Somaliland oo Kulan La Yeeshay Masuuliyiin Ka Tirsan Xafiiska...

Wefdi Ka Socda Somaliland oo Kulan La Yeeshay Masuuliyiin Ka Tirsan Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha UK

Wefdi balaadhan oo ka socda dowladda Somaliland oo maalmihii u danbeeyay ku sugnaa dalka Ingiriiska, ayaa kulan la yeeshay masuuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda UK.

Wefdigan ka socda dowladda Somaliland oo uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha dibedda Dr. Ciise Keyd Maxamuud, ayaa waxaa ku wehelinayay La-taliyaha Hay’addaha ee Madaxweynaha Somaliland Jaamac Muuse Jaamac, Wasiir xigeenka wasaarada Ganacsiga iyo Guddoomiyaha hay’adda Tayadda.

Sidoo kale, wefdigan ka socda dowladda Somaliland, ayaa waxaa ay kulan balaadhan ay la yeesheen xafiiska ra’iisal wasaaraha dowladda UK Boris Johnson.

Kulankan, ayaa waxaa ay labada dhinac ay kaga wadahadleen danaha labada dowladood ee Somaliland iyo UK, sida uu bartiisa Twitter ku baahiyay Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr. Ciise Keyd.

 

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr. Ciise Keyd, ayaa bogaadiyay Xildhibaan Gavin williamson iyo Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibedda ee dalka UK Tom Tugendhat oo kaalin ka qaatay qabsoomida kulanka.

Dhinaca kale, wefdiga uu hogaaminayo Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr. Ciise Keyd, ayaa jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan dalka Ingiriiska kala qeyb-galay xuska dabaaldega 31 guurada maalinta qaranimada Somaliland ee 18 May, iyada oo munaasibada xuska ay sidoo kale ka soo qeybgaleen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)